Ilaa hadda afar magaalo ayaa suuqa la soo galiyay inuu tagi doono R/wasaaraha Itobiya, mar aan wax ka weydiinay qaar ka mid ah shaqaalaha Jigjiga kuwii haddii wax un jiraan la ogaysiin lahaana, waxay ku jawaabeen inuusan jirin cid loo sheegay oo dhab ahaan u ogsoon meesha uu tagi doono ninkaa. Arintaasi waxay muujinaysaa cabsida ay Itobiya ka qabto amnigiisa, maadaama ay dhab ahaan u ogsoon yihiin in dalka Ogadenya uu ku jiro gumaysigooda.  Xataa waxaan la wargalinin maleesiyadii Cabdi Iley oo laga qariyay socdaalka R/wasaaraha cadawga, iyagoo aaminsan hadday ogaadaan Hawaarinta cabdi Iley inay ciidanka ONLF-na ogaanayaan.

Waxaa baratakoolka xukuumadaha ka mid ah in qofka ugu sareeya dalkaasi markuu booqasho ku tagayo gobolada lasii wargaliyo maamulada ka jira si dadweynaha ay ugu soo dhaweeyaan. Hasa ahaatee wararka dhabta ah ee naa soo gaadhay Jigjiga waxay sheegayaan in odayaashii joogay halkaa loo kala diray magaalooyinkii ay ka soo kicitimeen, gaar ahaan odayaashii Q/ridahare iyo Godey iyagoo lagu yidhi waxaa laga yaabaa inuu idiin yimaado R/wasaarahii Itobiya ee sii diyaariya dadkii qaabili lahaa, kuwa laga cabsanayo inay runta sheegaana xabsiga sii dhiga.

Warar kale oon helnay ayaa tibaaxaya inuusan R/wasaaraha uusan ahayn ayse tagayaan wasiiro iyo R/W ku-xigenkii Dhamaqe, iyagoo qaar ka mid ah ay  gadheen Godey shalayba.

Ilaa iyo hadda lama garanayo ujeedada ka dambaysa ee kalifaysa inuu booqasho qarsoodi ah ku tago Ogadenya, warar kala duwan ayaana la’isla dhex ordayaa Jigjiga.

Si kastaba ha ahaatee CWXO ayaa heegan ka galay goobaha ilaa hadda la sheegay inuu tagi doono Desaaleen, waxayna dajiyeen qorshihii lagu fashilin lahaa socdaal beenaadka dacaayadda loogu talagalay. Aynu isha ku hayno.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay