Sanadihii ugu dambeeyay waxay Itobiya ku soo kordhisay dacaayada ay faafiso inay u ekeysiiso Ogadenya inuusan ku hadhin qof sharaf leh. Waxay kaloo Itobiya ku dadaashay sanadihii dambe in marka laga soo saaro meel ka mid ah caalamka filim ama sawiro muujinayo dad shacab ah oo dhibaato ay soo gaadhsiiyeen ciidaanka Itobiya iyo maleesiyada ay hubaysay, ay iyadana faafiso filimo iyo sawiro dad shacab ah oy leedahay waxaa dhibaateeyay jabhada hubaysan ee nabad diidka ah. Hadafka Itobiya wuxuu ahaa in la yidhaahdo idinna sidaa ayaad leedihiin iyaguna sidaa ayay leeyihiin. Waa un maahmaahdii ahayd Af, af loo hayaa ba’ay. Waxay dheereyd waliba inay Itobiya goobta joogto isla markaana u hurtay dhaqaale xoogan say abuurto Been Run u Eg. Fursadahaa waxay u adeegsatay Itobiya inay ku sharf disho guud ahaan mujtamaca Somaliyeed ee Ogadenya oy ka dhigto kuwa aan xurmaynin dhaqan iyo diin toona oo xataa xoolaha kufsada.

Carwooyinka (Exhibitions) laga daawado Jigjiga waxay ku soo bandhigaysay Itobiya dadweyne da’ walba leh oy ku soo kulmisay Hall-ka weyn oo kolba qof inta la kicinayo la leeyahay hadal oo sheegaya hadalo aad arkayso inuu jilayo, isagoo ereyada afkiisa ka soo baxaya iyo dhaq-dhaqaaqa jidhkiisa (body language) aanay wada soconin, taasoo ah astaamaha 1aad ee lagu garto qofka la qasbayo ama laga sheegsiinayo hadalo been ah ama aanu raali ka ahayn. Cabdi iley iyo kooxdiisa oo u xilsaarnaa inay dadkaa soo ururiyaan oo waxa la rabo inay dhahaana ka sheegsiiya, sidii Itobiya ay ka filaysay ayay hawshoodaa u guteen, waxayna abuureen jawi cabsi iyo argagixin baahsan ah oo dadka halkaa ugu xareysan qofkii laga dalbo inuu yidhaahdo hooyaday ayaan kufsaday uusan ka waaban karin. Waxay ka raja qabtay Itobiya in ugu dambaynta beenta ay sheegayso ee lagu soo celcelinayo ay malain un run isu badali, oo jaaliyadaha taageera halganka shacabka Ogadenya laga mamnuuci doono inay taageeraan, oo madaxda ONLF iyo dhaq-dhaqaaqa ka socda dibadaha la joojin doono. Rajadaa Itobiya waxaan marnaba u suurta glinaynin 1- Qashiinimada ay wax u jilayaan oo xataa qofkii aan xog-ogaal u ahayn arimaha Ogadenya uu garan karo inay tahay been la dhoodhoobay iyo dad la qasbayo. 2- Iyadoo la ogyhaya in ONLF gude iyo dibbadba ay ka soo horjeedo falalka argagixiska ah iyo wax kasta oo shacabka dhibaataynaya.

Maxaa ku soo kordhay hadda saaxada oo wax ka badali doona beentii Itobiya? Filimka uu soo saaray Director Andreas Rocksén wuxuu ka saaray heerkii uu joogay filimada laga soo saaro tacadiyada Ogadenya ka socda, oo markii hore taagnaa heer ay soo saaraan hay’ad samafal sida HRW ama saxafi si qarsoodi ku galay Ogadenya sida NYT Jeffry Gettleman iyo Itobiya iyo kooxda gacan-ku-dhiiglayaasha Jigjiga oo kolba dadweyne meel isugu keena la daawadsiinayo dhalinyaro la soo jidh dilay oo cabsi ay ka muuqato wajiyadooda oo leh waxaan kufsan jirnay xoolaha iyo waxbaan dhacnay ama dilnay.

Director Andreas Rocksen waa shaqsiyad caan ku ah soo saarka filimada, shahaadooyin badan qaatay, soo saaray filima dhowr ah oo caalami ah. Ogolaanshaha inuu soo saaro filimkan documentary-ga ah ee Essence of Terror (Nuxurka Argagixiska), waxay muujinaysaa inuu ku qancay markuu daawaday cajalado 100 saacadood soconaya oo Cabdulahi Xuseen uu ka soo saaray Ogadenya. Wuxuu caalamka marki ugu horeysay daawday dambiilayaashii oo afkooda ku qiranaya dhibaatada ay shacabka u gaysteen, taasoo noqotay wax lala yaabo oo aan horey u dhicin. Arinta qirashada qofka dambiyada uu galay waxay ka mid tahay dhaqanada uu ku soo Kordhiyay Itobiya guud ahaan xisbigan Wayaanaha ee TPLF. In qofka la yidhaahdo qiro dambigii aad gashay oo laga duubo, ka dibna la yidhaahdo waa lagu cafiyay. Ujeedada waa in qofkaasi marwalba lo hayo dambi uu qirtay oo markii loo baahdo lagu maxkamdeeyo oo marag ma doonto ah. Waxyaabaha la yaabka leh ee intaaba ka daran, waa iyadoo qofna aan loo ogolayn inuu yidhaahdo dambi la’iga cafiyo weli ma galin aniga. Sidaa daraadeed, qofkasta oo ka mid ah maamulka waa inuu ama dambi galay oo qirto lagana duubo, ama sheegto isagoon galin dambi inuu galay oo isagana laga duubo. Waxayna u badan tahay midda hore, sababtoo ah qofkii lagu ogaado inuu iska ilaalinayo inuu shacabka dambi ka galo waxaa lagu eedeyaa inuu la shaqeeyo nabadiidka (ONLF), xabsi uu ogyahay waxa ka jira ayaana la galin hadaanu lafihiisa ula baxsan.

Cabdi iley iyo kooxdiisa iyagoo ka duulaya dhaqankoodii ahaa in filimkii laga duubaba ay mid kale ka garab sameeyaan, ayay isla habeenadii laga daawanayay caalamka soo saareen filim ay ku cambaareynayaan labadii wariye oo la mid ah midkii ay horey ugu maxmadeeyeen, inkastoo ay ogyihiin in la ogaaday siday u alifeen filimkaa, Itobiyana ay caalamka u sheegtay inaysan waxba ka ogayn filimkii hore inuu been ahaa. Filimkan dambe ayaa waxaa ka hadlaya oo codka iska leh Qararaf, waxaana dambiyada ku soo oogaya siduu leeyahay Cabdinoor. Itobiya inay tahay dawlad qashiin ah oo xataa dacaayadeeda uu yahay mid aan la liqi karin ayaa halkaa ka muuqata. Waxaa kaloo muuqata inuu Cabdi iley raadinayo dad uu kaga siibto dambiyada ka dhacay Ogadenya, gaar ahaa dhibka loo gaystay labada wariye ee Sweden oo uu odhan doono waxaa ka dambeeyay Cabdulaahi itobiya, maadaama uu qirnayo (ama laga qasbay inuu qirto).

Isku soo duub, filimka uu saaray Andreas Rocksen, wuxuu caalamka soo hordhigay xaqiiqadii ay Itobiya qarinsaysay iyo nidaamkeeda ku dhisan xasuuqa iyo cabudhinta xaqiiqada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay