Gobolka Gambeela iyo Waadiga Omo ayaa noqday dhul beereed laga mushtaro oo shirkadaha waaweyn ee caalamka laga iibiyo. Arintaasi waxay dhibaato balaadhan gaadhsiisay beeralaydii yaryaraa iyo xoola dhaqatadii iyo dadkii dhul beereedkaa lahaa oo xeryo la’isugu geeyay ay dawladda Itobiya ugu sheegtay caalamka inay magaalaynayso dadkaa oy oy guryo uga dhistay meelo la’isugu keeni doono.

Ururka Anywaa Survival Organisation (ASO) oo fursad u heshay inay wareysato qaar ka mid ah dadkii dhulkooda la qaatay ayaa soo banhdigay sida naxariisdarada ah ee dadkaa loola dhaqmay markii laga qaadanayay dhulka iyagoo sheegay inay ciidanka Itobiya adeegsadeen xoog iyo argagixin isugu jira bay yidhaahdeen, kufsi, dil, qaraac iyo handadaad, iyadoo dadkaasi aan loo ogolaanin in sharciga la mariyo ama qaanuunka dawliga ah ee ilaaliya xuquuqda dadka reerguuraaga ah iyo dadka dhulka iska leh (indigenous people) ee laga awood badan yahay.

Dawladda Itobiya ayaa adeegsata qaanuun uu soo saaray xukunkii hore ee Mingisto Xayle Mariam oo ka dhigaya dawladda inay leedahay dhulka oo siday rabto ay ka yeeli karto. Xukunkii Dargiga ayuu ahaa midkii bilaabay waxan loo yaqaano isku raridda tuulooyinka, waxayna keentay waagaa gaajadii iyo macaluushii ka dhacday gobolada Tigree. Xukuumadda TPLF ayaa isla wadadii martay oo doonaysa inay ku fuliso dadka reer guuraaga ah iyo beeralayda yaryarka ah ee dagan gobolada Gambella iyo Banishangool.

Arimahan dhulboobka ah ayaa meela kala duwan ay ka socotaa Afrika, waxayna dadka taariikhda qora ku tilmaameen arintan oy wadaan shirkado ka socda Shiinaha, Hindiya, sacuudiga iyo kuwa kale oo Aasiya ah inay la mid tahay isticmaarkii reer Yurub ay qarnigii 18aad ku soo qaadeen Afrika.

Dadka ay wareysteen ururka ASO waxaa ka mid ahaa Okok Ujulu oo ah oday-dhaqameed reer Gambella. Wuxuu yidhi; dhulka Gambella waxaa iska leh bulshada, waxaana go’aan ka gaadhi kara bulshada Gambella ee ma bixin karo qof meel fog oo Tigree ah ka yimid. Falka noocan ah waa boob ay dawladda wado oo la mid ah dhulkanagii oo nalaga xadayo. Ilaahayna ma jecla xatooyada. Siyaasadda xukuumadda waa in dadkanaga laga tirtiro dhulkooda. Kuwa ku hadhay hadda gudaha dalkiina waxay la mid yihiin maydka ku aasan halkaa. Maqaalkaa xiisa leh (Halkan Guji) ayaa lagu soo daabacay wargaysyo iyo shabakada kala duwan oo caalamka ah.

Waxaa shalay tagay Godey wafti ka socday Itobiya oo sida la sheegay ay wehliyeen maalqabeeno Tigree ah iyo qaar ka socda dalal kale oo Aasiya ah oo uu hunguri kaga jiro inay qaataan beeraha Godey. Sidaan la socono arinta dhul boobka ah ee Itobiya ay wado meelaha u astaameysan ayay ka mid tahay Ogadenya waxaana ilaa hadda looga joogay waa ciidanka ONLF oo go’aan ka soo saaray arintaa ugana digay shirkadahaa inay soo aadaan dhanka Ogadenya. Xukuumada Itobiya iyadoo kaashanaysa wax magaradka daba-dhilifka u ah waxay aad ugu dadaashay inay ka dhaadhiciso shirkadahaa inay amnigooda sugi karto hadday iska bixiyaan kharashka. Socdaalka ay ku yimaadeen Godey waftiga uu hogaaminayo R/wasaare ku-xigeenka Itobiya iyo maalqabeenada la socda oo dhab ahaan aan loo shaacinin dawladaha ay ka socdaan iyo waxay doonayaan toona ayay dadweynaha dagan gobolka Godey iyo beeralayda yaryar ee dhulkaa beeran jiray ay shaki badan ka muujiyeen, waxayna dadka shacabka ah ka rajaweyn yihiin inay fashilin doonaan isku daygaa la doonayo in dhulkoda lagula wareego inkastoo Cabdi iley iyo adeegayaasha gumaysiga lagu amri doono inay laayaan qofkii u hogaansami waaya amarka Itobiya ama looga shakiyo inuu ka danqaday dhulkiisa lagala wareegayo.

Arimahaa oo jira hadana ma filayno inay soo damaacin doonaan maal-qabeenadaa dhulka Ogadenya, haddiise ay dhacdo waaba loo joogaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay