Odayaasha iyo wax garadka Ogadenya ee ku nool Dalka Koonfur Africa iyo masuuliyiinta  Jaaliyadda ayaa kulan wada- tashi ah ku yeeshay Xafiiska Jaaliyadda ee gobolka Eastern Cape gaar ahaan magaalada Port Elizaberth

Gudomiyaha Jaaliyadda Mudane C/raxman Siciid  ayaa  uga  xogwaramay  Odayaasha Shirweynihii Jaaliyadaha Ogadeniya ee lagu qabtay magaalada Pretoria, xaalada  guud  ee  Ogadenya iyo wada-hadalada la sheegay  inay dhexmari doonaan  ONLF iyo Itoobiya

Odayaasha Shirka ka soo qayb galay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ni aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin Jabhadda  ONLF,waxayna intaasi ku dareen inaysan  u dulqaadan Karin xadgudub-yada ay xukuumada Itoobiya u qaysato  dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin.

Saxaafada Caalamka gaar ahaan Saxaafada Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa inayna indhaha  ka daboolanin xasuuqa ka socda Dalka  Ogadeniya ayaa kamid aha Hadaladii  Odayaasha,

Jaaliyadda Ogadeniya ee Dalka Koonfur Africa ayaa wada abaabul xoogan si loo gaadhsiiyo  Qadiyada Ogadeniya  golayaasha Caalamiga ah.

Xayi Yare

ONA

Port Elizabeth

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay