Ugu horeyn waxaa aad u kala duwan macnaha ay shucuubta dunida 3xaad u yaqaanaan Horumar iyo siduu caalamka u yaqaano. Arintaa qofka aan fahasnayn way adagtahay inaad kala doodo Hurumarka ka socda Jigjiga ama guud ahaan Itobiya. Sbabtoo ah wuxuu arkayo oo hortiisa ka muuqda kuma odhan kartid wax jira ma’aha oo waa dhalanteed, taasi waxay keeni inuu adiga kula yaabo kaana soo qaado qof indha la’aan gudaya ama aan waxba fahmaynin. Hadaan hordhac ahaan aan yarehe ifino Horumarka dalalka habka loo qiimeeyo; ugu horeyn Qaramada Midoobay ayaa go’aanka raqamkiisu yahay 2768 (XXVI) ku soo saartey 1971 dalalka loo aqoonsaday inay yihiin dalalka caalamka ugu hooseeya xagga horumarka (Least Developed Countries LDCs). Liiska dawladaha la qoray waagaa waxay ahaayeen Afrika 34 dal. Itobiya waxay kaga jirtay lambarka 16aad, halkii umbayna dhex fadhidaa. Meelaha lagu qiimeeyo dawladaha Horumarkooda Hooseeyo (LDCs) waa 3ex. 1- Dakhliga soo gala qofka wadaniga ah. 2- Wax soo saarka dalka ee joogtada ah. 3- Heerka aqooneed ee dadka waaweyn (adult literacy). Itobiya sidii loogu daray liiska waagaa (ldc-list-31jan08) ilaa hadda waxba iskama badalin heerkay kaga jirtay.

Hadaan u soo noqono mawduuceena, dadka caadiga ah waxay u yaqaanaan Horumar daaraha la dhisanayo iyo wadooyinka magaalada dhexdeeda laga dhiso. Horumarka qofka caadiga ah u muuqda,  guud ahaan Itobiya gaar ahaan Jigjiga, ee ah dhismaha daaraha iyo wadooyinka waxaa sabab u ah 2ba. Midda 1aad, Lacag dad gaar ah ay leeyihiin iyo midda 2aad oo ah dawladda ama maamulka halkaa ka dhisan oo ku doonaya aqoonsi, taasoo ah calaamadaha lagu yaqaano Kaligood-taliyayaasha (Atocrats) xukunka maroorsaday een lahayn taageero shacbi. Dhanka Itobiya lacagta gaarka ah waxaa leh inta ugu badan Tigreega oo boobay dalkaa oo dhisanaya 90% daaraha dhaadheer ee ka muuqda Adisababa. Meesha Jigjiga dhismaha ugu badan ee la dhisayo ay maalgashanayaan dad dibadaha ka soo shaqaystay oo doonaya meel ay saldhigaan iyo koox yar oo dhiig miirata ah. Labada dhanba waxay tira ahaan ka noqonayaan 5% dadweynaha. Inta soo hadhay (95%), waa dad quutal-yuumka ka raadsada qashinka la soo daadinayo ama dibadaha laga masruufo.

Hadaan hoos ugu sii daadagno nolosha ka jirta Ogadenya cidna kama qarsoona, horumarka ka socda Jigjiga ee dhismaha quruxda sanna waa mid aan waxba ugu fadhiyin dadweynaha gaajaysan ee ama iyada dhex jooga ama 50KM markaad dhanwalba uga socoto aad la kulmi. Waxaa iyadana muhiim ah inay umadda fahamto, Itobiya maxay ka aaminsan tahay Jigjiga? Inagoon intaa u dhaafaynin; waa in la ogaadaa lagana feejignaadaa.

Marka laga yimaado dhismahaa, waxaa Jigjiga isugu yimid kumanaan qof oo noloshii caadiga ahayd ka waayay dalka intiisa kale, gaar ahaan dadkii magaala ku noolka ahaa ee daganaan jiray Somaliya iyo tuulooyinka dalka, iyadoo aanay lahayn Jigjiga qorshe magaalo (Town Planning) oo loogu talagalay dadka farahaa leh ee dalka intiisii kale uga soo cararay nabadgalyo la’aan iyo noloshii caadiga ahayd oo aan ka jirin oo qofkii cooshad yar isku daya looga qadaanayo Cali katiin ayaa ku sheegay. Arintaasi waxay keentay inay ka dhacdo Biya La’aan oo hadda halkii jeerigaan oo 20 qaad ah uu marayo 5-10 Birr. Hadaba reerkii ka kooban 6 qof imisa jeerigaan ayaa ku filan maalintii? Marka laga yimaado dadka faraha badan ee nolosha u soo doontay Jigjiga, biya la’aanta ka jirta magaalada waxaa sabab u ah markaan weydiinay masuuliin ku dhex jira maamulka Cabdi iley musuq-maasuqa iyo boobka lagu hayo haya’dda qaabilsan biya galinta oo kolba qof uu Cabdi Iley wato lagu naas nuujiyo.

Hadal iyo dhamaan, haddii Jigjiga oo Itobiya ay ugu talagashay inay Somalida iska dhex arkaan ay haysato dhibaatadaa biya la’aanta ah, maxaad ka filaysaa dalka intiisa kale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay