Ugu horeyn, gumaadka iyo gabood-fallada joogtada ah Xabashidu (Abyssinians) ay ku haysay shacabkeena ee ilaa hadda aan waxba iska badalin waxay daliil cad u yihiin xaqqa aaya ka-tashi ee shacabka Ogadenya. Meel walba iyo wakhti walba oo la joogaba “Gumaysi waa Gumaysi”, waxaase garaad laawi ah kuwa aan fahmin wajiga dhabta ah ee gumaysiga Xabashida iyo dhibaatooyinka socda horeyna ay ugu gaysteen xabashida Shacabka Ree Guuraaga ah ee Soomaalida Ogaadeenya. Waxay taariikhda  kuu muujinaysa in Dawladda Itoobiya aynan aaminsanayn hadda iyo ka horba in shacabka Soomaalida Ogadenya ka tirsan yahay dalkeeda, sidoo kalena shacabka gobolku naftiisu uusan aaminsanany inay ka mid yihiin Itoobiya. Hordhacaa yarka ah ka dib;

Wargays ka soo bixi jiray dalka Ingriiska oo lagu macagaabi jiray “Pall Mall Gazette Ogaden extermination (1)” ayaa wuxuu qoray October 22, 1897 warbixin uu soo diray wariyahooda Joogay Qaahira. Wuxuu wariyuhu soo diray arin dhab ah oo dabayaaqadii 1897 ka dhacday gobolka Nogob ee deegaanka Soomaalida Ogaadeenya. Warbixinta uu wariyaha wargayska ka soo diray 116 sano ka hor ayaa markaad akhriso waxaad is-weydiine maxay ku kala badalan yihiin warbixinada ay sanadkii 2008 hay’adda xuquuqul-Insaanka sida “Human Rights Watch” ay kasoo qoreen gumaadka iyo tacadiyadda aadaminimo ee gumasyiga Wayaanaha uu ku hayo shacabka Ree-Guuraaga Soomaalida Ogaadeenya.

Cadadkii joornaalkan “the Pall Mall Gazette”  ee soo baxay 22 Ocober 1897 ayaa wuxuu soo qoray warbixintii uu wariyahooda Qahira u soo gudbiyay oo ku saabsanayd xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka ka dhanka ah bani-aadamnimada ee siduu wariyaha ku tilmaamay ay shuftada xabashida (Abyssinians) u gaysanayaan Shacabka Ree Guuraaga Soomaalida Ogaadeenya. Cinwaanka maqaalka ayaa ah “Abyssinian on the warpath” ama ” Xabashida oo qaaday jidkii dagaalka”. Wuxuu wariyaha sheegayaa in; Boqorkii Xabashida “Menelik” uu ku duulay dalka iyo dadka Soomaalida ee xadka ay wadaagaan Oromadda (Caruusada), oo boob iyo dhac u gaysteen dadkii ku noolaa meelo ka mid ah gobolka Nogob, gaar ahaan qabiilada Ree Amaadin, Kooshin, iyo Aadan Khayr.

Wuxuu yidhi wariyaha; Shacabkaa Soomaalida ah, ma aynan haysanin hub iyo saanad casri ah, meesha malayshiyada Xabashida ee soo duushay ay ku hubaysnaayeen hub casri oo isticmaarkii cadd uu soo siiyay. Malayshiyaadka Xabashidu way isku aamini waayeen hubkaa iyo saannadaa casriga ah, balse waxay soo qafaasheen oy soo dagaal galiyeen wixii Oromo ahaa ee meelaha ka ag dhowaa oo qudhooda rabay inay ka aargoostaan somalida oo dagaal uu dhex maray hadda ka hor.

Warbixintaa lagu soo qoray 22 Ocober 1897  wargayska “the Pall Mall Gazette” ayaa ku tusinaysa xaqiiqada dhabta ahiyo wajiga foosha xun ee gumaysiga, iyo xaqiiqada ka jirtay gobolka Geeska Afrika laga soo bilaabo qarnigii 18aad.

Marnaba may dhicin , taariikhna laguma sheegin ciidan Xabashi oo dagaal kaligii intuu galay kaga guulaystay shacabka Somaliyeed ee Igadenya. Marwlaba waxay soo qafaashaan dadka masaakiinta ah ama beeralayda ahee ay gumaystaan, waxayna taageero ka heli jireen isticmaar dibadda ah. Taasoo jirta hadana marwalba malayshiyaadka Xabashida ee soo duulay waxay kala kulmi jireen iska cabin xoogan Shacabka Somaliyeed uu gaadhsiiya jab iyo khasaare balaadhan.

Haddaba wuxuu inoo xaqiijiyay wariyaha wargayskan in gumaadka iyo gaboodfallada Xabashidu (Abyssinians) ku hayaan Shacabka Ree Guuraaga ah ee Soomaalida Ogaadeenya yahay mid soo jiray in kabadan 100 sano. Itobiya taariikh madow iyo gabood-fallo aanay diidi karin ayay ka gaysatay Ogadenya. Dhismayaasha ay Itobiya ku doonayso inay ku dhalan rogto taariikdeeda madow ee hadda dabadhilifyada uga adeega Jigjiga ay ugu magac darayaan halyayadii la soo dagaalamay gumaysiga xabashida sida Wiil-waal iyo taalada sayid Mxamad Cabdille Xassan, waxba kuma soo kordhinayso dareenka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

ONA.

Warbixinta wariyaha waxay u qoran tahay sidan;

ABYSSINANS ON THE WARPATH

EXTERMINATION OF SOMALI TRIBES

(FROM OUR CORRESPONDENT)

CAIRO, Oct.13 – Trustyworthy advices from the Somali coast affirm the extension of Ras Mokonnen’s vast raid in those region, which is indeed assuming the grave aspect of a war of extermination. The Abyssinian raiders are described as having already dispersed or destroyed the great Somali tribes known as the the Amaden, the Koshen, and the Aden-Djhar, settled in the Aroussi district, and all their flocks and herds have been “lifted”.  The Somalis, being only armed with the most primitive weapons, have had no possible chance of defending themselves against the Ethiopian invaders, who have not even troubled to put forward the flimsiest pretext for their sudden eruption.

At the market town of Weddul, to the North of the Ogaden country, horrible cruelties are stated to have been perpetrated, the whole of the Somali prisoners being mutilated. The Abyssinians are being aided by large numbers of Gallas, tempted by the prospect of booty and of a wholesale retribution for past injuries inflicted on them by the Somalis. From Harar comes word that Ras Mokennon is being strongly urged to extend the aggression to the natives living within the sphere of British influence, and from his hasty English hating temperament, it is not improbable that he will allow himself to be persuaded. That, of course, will just suit the policy of the French, who have seen their Djibouti-Harar route gradually giving way to the Ziela road.

What the sublime Porte will think of this crusade against Muslims by the warriors of his good Christian friend, menilik, may readily be defined. It is doubtful whether he will altogether appreciate the many presents which have lately been sent to Istanboul from Addis Ababa and he is now less likely than ever to be inveigled into responding to the two embassies that have lately been received at Constantinople in the hope of winning his Sultanic favour. If he does, at least it will be to warn the Galla Moslemin to change sides. The total area devastated is stated to extend from the banks of the Uebi to the source of theJuba– the north-eastern part of the future “Equatorial Provinces” of Leontief and Company.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay