Magaalada Copenhagen oo lagaga Banaanbaxay R/wasaaraha xukuumadda dhiigyacabka ah ee Itoobiya
Maanta ooy taariikhdu tahay 22/10/2013, waxaa caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen laguqabtay banaanbaxan balaadhan ooy soo qabanqaabisay Jaaliyada Somalida Ogadenia ee wadanka Denmark.
Banaanbaxan aayaa kusoo beegmay kadib markii la ogaaday inuu Shirka Cimilada Aduunka lagaga hadlayay oo kafurmay shalay magaalada Copenhegan ee caasimada Denmark uu kasoo qaybgalay Ra,iisulwasaaraha Gumaysiga Itoobiya ee maqaar saarka ah Hailemariam Desalegn.
Inkastoo socdaalka iyo imaatinka Hailemariam ee Denmark saxaafada laga qariyay hadana xalay xilli dambe oo fiidkii ah markay Jaaliyada S.Ogadenia ee Denmark kudhaqan ogaatay joogitaankiisa ayaa laqaban qaabiyay Banaanbax balaadhan oo lagaga soohorjeedo Taliska Gumaysiga Itoobiya ee uu madaxda kayahay Hailemariam Desalegn.
Banaanbaxayaasha ayaa watay boodhadh ay kuqoranyihiin Free Ogadenia, Stop Aid to Ethiopia, Stop Genocide in Ogaden iyo hal kudhagyo kale oo badan kuwaasoo macno iyo murti badan xambaarsanaa, sidoo kale ayay kaqaybgaleyaasha isku soobaxay kudhawaaqayeen erayo ay kamid ahaayeen * kuwa xasuuqa kawada Ogadenya hala hor keeno Maxakamada Danbiyada dagaalka. Itoobiya hajoojiso xasuuqa dadka rayadka ah ee Ogadenia kudhaqan,Waxaan ubaahanahay Cadaalad. Deeqda Itoobiya lasiiyo hub ayay siisataa ay shacabka Ogadenia kugumaado*.
Shirkan oo furmay shalay maantana lasoo gabagabeeyay ayay kuguulaysatay Jaaliyada S.Ogadenia ineey gaadhsiiyaan baaq kusocda beesha caalamka gaar ahaan wadamada deeqda bixiya ee kulankan caalamiga ah kasoo qaybgalay inaan gumaadka iyo tacadiyada kadhanka ah xuquuqda aadamaha ee Gumaysiga Itoobiya ay kawado Ogadenia aan lagu dhawranin balse laga qaado talaabo sharciga waafaqsan taasoo ay oogu horayso in Gumaysiga Itoobiya deeqda lasiiyana laga joojiyo.
Banaanmaxan ayaa kudhamaaday sinabadgaliyo ah waxaana looqaybiyay saxaafada, madaxda, marti sharaftii iyo dhamaan kaqaybgaleyaashii Shirka Cimilada Aduunka qoraalo kahadlaya dhibaataday Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku hayaan shacabka dulman ee Ogadenya kudhaqan.
ONA.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.