Xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa gaar ahaan xubnaha ku nool  gobolka Eastern Cape magaalada Port Elizabeth ayaa xalay Kulan ku yeelatay magaalada Port Elizabeth ee xarunta  gobolka Eastern Cape. Kulankan waxaa soo qaban qaabiyay  hawl-wadeenada Jaaliyada ee Dalka  Koonfur Africa  waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah  Xubnaha Jaaliyadda ee ku sugan gobolka Eastern Cape.

Kulankan ayaa ahaa kulan looga  hadlayay Qadiyada Somalida Ogadeniya iyo waxqabadka Jaaliyada Ogadeniya ee Dalka  Koonfur Africa waxaana halkaas halad dheer ka soo Jeediyay  Gudoomiyaha  Jaaliyadda  C/raxman Siciid iyo Dr C/qani wadaad Yare.

Kulankan oo ay ka hadleen Masuuliyiin Farabadan ayaa diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa waxqabadka Jaaliyadda isla markaana loo garab istaagi lahaa Shacabka Somalida Ogadeniya ee Itobiya ay gumaysiga iyo cadaadiska ku hayso.

Kulankan ayaa la isla qaatay dhamaan qodobadii laga hadlayay waxaana la isku raacay in la dardar galiyo hawlaha Jaaliyadda isla markaana laga  Hortago Shirqoolada Gumaysiga  Itoobiya.

 

Xayi Yare

Port Elizabeth/South Africa

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay