Oslo: Xubnaha jaaliyadda wadankaNorway ayaa shirkoodii caadiga ahaa ku qabsaday caasimadiisaOslo, shirkan oy ka soo qaybgaleen xubnaha Jaaliyadda ee ku dhaqanOslo iyo nawaaxigeeda.

Waxaa shirka ku furay aayado quraan ah Sheekh Abdiwali Garaad, intaa ka dib ayaa waxa lagu soo bandhigay hawlihii maamulka qabteen mudadii labada shir u dhaxaysay iyo qorshaha maamulka Jaaliyaddu uu higsan hayo muddada dhaw.

Shirka waxaa warbixinno khuseeya qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda, kulanka kusoo bandhigeen si cilmiyeysan, Madaxa Dhaqaalaha Md. Abdiwali Soomane, Md. Abdiqadir Iltol, Madaxa Warfaafinta iyo Xoghaynta Jaaliyadda, Md. Abdishakuur.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane C/laahi ayaa isna ku dheeraaday fulinta qorshaha sanadka 2013 iyo hawl-qaybsiga xubnaha maamulka, middaas oo guul la taaban karo laga gaadhay bilihii lasoo dhaafay.

Shirkan oo aad loogu riyaaqay sidii loo soo qabanqaabiyay iyo agaasinkiisiba, ayaa wuxuu  ku dhammaaday jawi farxad leh iyo rajo wanaag aad u sareysa oo laga qabo sanadkan in la gaadho guulo waaweyn.

Ugu dambeyntiina shirka ayaa lagu soo gabo gabeeyay cambaareyn balaadhan oo loo soo jeediyey gumeysiga Itoobiya, falalka xaq darrada ah ee ay kula kacayaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Mohamed Ilyas.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay