Jaaliyada Ogadeniya ee Midlanka ayaa maanta isugu yimid shirweyne aykasoo wada qeybgaleen dhamaan Xubnaha Jaaliyada iyo faracyada ururada Bulshada ee Haweenka iyo OYSU Birmingham. Shirkan oo xiiso gooni ah lahaa ayaa waxaa lagu bilaabay aayadaha Quraanka Kariimka ah, kadibna waxaa lagudagalay warbixino kookooban oo ay soo jeediyeen Gudomiyaha Jaaliyada Birmingham iyo maamulada ururada bulshada.

Waxaa kale oo laga waramay warbixinihii ugu danbeeyay ee Gudaha Ogadeniya iyo hadalo dhiirigalin ah oo halkaas lagasoo jeediyay. Waxaa sidoo kale kulankan lagu qiimeyay Waxyaalihii Xafiiska Jaaliyada Birmingham u qabsoomay iyo Shaqooyinka soo socda ee illaa Bisha December ka dhici doona oo ay kamid yihiin Kulamo abaabul ah oo Ururka OYSU Birmingham qaban doono.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay