Shir si wanaagsan loo soo agaasimay ayay maanta oo ay taariikhdu tahay 04 NOV 2013 isugu yimaadeen inta badan xubanaha Faraca Nairobi ee Jaaliyada Ogaadeenia ee Bariga Afrika. Shirka oo ka dhacay hall ku yaala xaafada ay soomaalidu u badantahay ee Eastligh ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kamid ah JWXO, Hawl wadeeno iyo Marti sharaf katim Europe iyo America.

Shirka maanta oo ka duwanaa shirarkii hore ayaa masuuliyiintii, hawl wadeenadii iyo martidii kasoo qayb gashay waxa ay ku dheeraadeen kana hadleen gumayisga gabalkiisu sii dhacayo oo ay ku timaameen “Cadceed casar” waxa ayna sheegeen in maanta uu halgankeenu gaaray heer layidhihaado Calanka Ogaadeeniya Qoraxdu kama dhacdo.

Khudbado aad uqiira badnaa iyo warbixinada ay shirka kasoo jeediyeen masuuliyiintii iyo hawl wadeenadii shirka kasoo qayb galay waxaa dheeraa oo iyana madasha shirka hadheeyey suugaan halgameed aad u qiima badan oo badashay dareenka xubnihii shirka kasoo qaybgalay.

Maanso aad uqiirabadan ayaa waxaa shirka katirisay Halganto Taajiro Cali Hilowle oo iyadu tix suugaan ah ku cabirtay horumarka aan la qiyaasi Karin ee uu halgan keenu  ku talaabasaday.

Qaybtii dambe ee shirka markii lasoo gaadhay ayaa laanta Arimaha Ururka iyo Abaabulka Bulshadu waxa ay ku bixisay shaahaadooyin lasiiyey xubno koox ah oo qaatay siminaar loogu magacdaray Allaha unaxariistee halgame Sheekh Ibraahim Cabdalla.

Shaahaadada ayaa waxaa gudoonsiiyey xubnihii qaatay siminaarka Xaaji Axmed-nuur Maxamed Faarax.

Shirka maanta oo ahaa mid aad uga duwanaa shirarkii hore ayaa waxaa lagu cambaareeyey gumaysiga iyo gancayarayaashiisu ficilada naflacaarinimada ah ee ay kula kacaan dadka nugulka ah ee Ogaadeeniya.

 

Maxamuud Sheekh

ONA

Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay