Waxaa shalay ooy taariikhdu ahayd 3/11/2013, lagu soo gabagabeeyay Caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen kulan si heersare ah loosoo agaasimay mudo dheerna laga sooshaqeeyay kasooo socday mudo labo bari ah.

Waxaa kulankan iskugu yimid Masuuliin sar sare oo kamid ah Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaasoo diirada lagusaaray qiimaynta marxalada uu Halganka Gobanimadoonka Ogadenia uu maanta marayo iyo sidii hawlaha halganka kor loogu qaadi lahaa. Waxaa kale oo kamid ahaa ajendeyaasha shirkan fashilinta shirqoolada uu Gumaysiga Itoobiya umaleegayo shacabka Somalida Ogadenia ee gumaysi diidka ah. Sidoo kale waxa kulankan si qoto dheer leh loogu gorfeeyay sidii looxoojin lahaa wadashaqaynta iyo xidhiidhka kadhexeeya Jaaliyaadka Somalida Ogadenia ee dunida dacaladeeda kahawl gala iyo xidhiidhka diblamaasiyadeed eey la leeyihiin wadamada ay Jaaliyaadkan kudhaqanyihiin.

 

Dhanka kale waxay Masuuliinta JWXO ee kulanka kaqayb galay shir balaadhan laqaateen Masuuliinta iyo Hawl-wadeenka Jaaliyada S.Ogadenia ee kudhaqan wadan Denmark. Kulankan oo ahaa mid aad uwanaagsan ayay Madaxda JWXO bogaadin iyo dardaaran macno iyo murti badan xambaarsan lawadaageen kaqaybgale yaashii shirkan iskugu yimid.

Waxaa kulankan khudbad aad uxamaasad badan aadna loogu diirsaday kajeediyay Halgame Rayaale Xaamud, asagoo si qoto dheer leh uqeexay isla markaana utilmaamay waajibaadka iyo masuuliyada kasaaran xubin kasta kaqaybgalka xornimada Ogadenia iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka S.Ogadenia ee halganka dheer oogu jira siday ooga xoroobi lahaayeen Gumaysiga Abasiiniya ee gabalkiisu dhacay. Waxaa sidoo kale khudbad kooban madasha kulankan kasoo jeediyay Lataliyaha Gudoomiyaha JWXO, General C/laahi Mukhtaar, oo mahadnaq iyo bogaadin balaadhan usoo jeediyay dhamaan Gudoonka iyo xubnaha Jaaliyada Denmark ee kaqayb qaatay hirgalinta iyo fududaynta kulankan ay Masuuliinta JWXO ay yeesheen.

Kulankan oo ahaa mid ujeedadii laga lahaa siwanaagsan looga yool gaadhay yaa kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan iyadoo dhamaan Masuuliintii kaqaybgalay kulankan ay ka maqsuudeen maamuuskii iyo soodhawayntii ay ufidisay Jaaliyada S.Ogadenia ee wadanka Denmark, waxaana hoosta laga xariiqay hirgalinta iyo xoojinta wadashaqaynta jaaliyaadka iyo Hawl-wadeenka Halganka sidii loo adkayn lahaa loogana midho dhalin lahaa qorshe yaasha Masuuliinta JWXO udajisan hirgalintooda haduu eebuhu yiraahdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay