Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa waxay Ogaysiinaysaa  dhamaan Bulsho weynta Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada Port Elizabeth, Uitenhage iyo nawaaxigeeda in ay jiraan Shirar ay Jaaliyada Ogadeniya si weyn u soo  qabanqaabisay.

Shirarkan waxaa  diirada lagu saari doonaa xaalada amaanka ee dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Koonfur Africa, Qadiyada Ogadeniya, Somaliya iyo  Xaalada Geeska Afrika.

Shirka waxaa Mirti ku ah dhamaan  Ururada u adeega  Bulshada Soomaaliyeed ee ka dhaq-dhaqaaaqa Koonfur Africa.

Waxaaa laga codsanayaa dhamaan umada  Soomaaliyeed , Odayaasha dhaqanka, Culumo-Awdiinka, Siyaasiyiinta,  Aqoonyahanka, Ardayda, Ganacsatada, Ururada Haweenka Soomaaliyeed iyo qaybaha  kale  ee bulshada  Soomaaliyeed inay  Gacmo furan iyo Qalbi Fayaw  oo Soomaalinimo  uga soo qayb galaan  shirka.

shirarkan oo ka dhicidoona in shaa allah  magaalada Korsten iyo Uitenhage:

Taariikhda:  11/11/2013  korsten                                    15/11/2013    Uitenhage

saacada:         01:30 pm salaada duhur kadib                  01:30 pm   

Goobta:       jamal Hall  Korsten                                   municipality Hall Uitenhage

kala xidhiidh wixii faah faahin

0843070649   Mdn    Faysal   HAB

0610466230  Mdn   maxamed  WFF

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay