Jaaliyada Ogadenia eeVictoria ayaa shalay waxaa si xiisa leh ugu qabsoomay shirkoodii bilkasta ay qaban jireen. Kulankan muhiimka ah ee jaaliyadu laheyd ayaa waxaa sidii caadiga aheeyd lagu fur furtay Aayado Qur’aan ah iyo wacdi qodo dheer leh oo uu soo jeediyay mid ka mid ah culumada Jaaliyada. Ka dibna shirka uu si toos ah ubillaabmay.

Waxyaabaha lagaga hadlay shirkan waxaa ka mid ah  qodobadan soo socdo.

1) Abaabul iyo dardar galin ku wajahan shacabweynaha u qadiyad sheegto wadanka Ogadenia ee ku dhaqanVictoriagaar ahaanMelbourne.

2) Xoojinta arrimaha siyaasadeed ee Jaaliyada dhexdeeda iyo tan ku aadan dawladanVictoriaamabaAustralia.

3) Taageerida  iyo dhaqaale  loo helo agoonta iyo masaakiinta ku dhaqan gudaha Ogadenia.

4) Isku xidhnaanta Jaaliyadaha ka jiraAustralia.

5) Bandhigyada xalfadaha iyo qabashada BBQ la qabto maalmaha ciida.

Qodobadan kor kuxusan iyo kuwa kale oo badan ayeey xubnuhu midkastaba si xeel-dheer uga hadleen iskuguna baraarujiyeen ineey siwada jir ah uwada qabtaan iyo Xoojinta hawlaha lama huraanka ah ee uyaala Jaaliyada, markastana si isku duubni leh uga soo dhalaalan waajibaadka kaga aadan hurumarinta iyo ballaarinta qadiyada Ogadenia. Isku soo wada duuboo, Kulankan maanta  wuxu ahaa mid muhiim u ah Jaaliyada guud ee Ogadenia ee Victoria Melbourne. Jaaliyadu waxey wayahan dambe ku dadaaleysaa sidii ay uhorumarin laheed arrimaha ku aadan fidinta qadiyada oo laga dareemayo GobolkanVictoria. Shirkan wuxuu ku soo gaba gaboobay sidii loo baahnaa, iyadoo jaaliyadu howlohoodii ay qaban lahaayeen ay iskugu dardaarmeen. GUUL IYO GOBONIMO.

Vic/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay