Shirka ayaa waxa lagu furay sidii caadada inoo ahayd aayadaha Quraanka kariimka, intaas kadib ayuu shirkan oo Mudane Jamaal xukun uu shir-gudoominayay ayay madaxda JWXO aad ugu mahad caliyeen Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida ogadenia OYSU kaalinta ay halganka kaga jiraan iyo wax qabadkooda calamka oo dhan kamuuqda.

Waxaay aad u soo dhaweeyeen kulankan muhiimka ah ee GF OYSU iyo Hogaanka HAAU iyo ku-xigeenkiisa Mudane Xasan Macalin ay la wadagayaan Gudiga Ugu sareeya ee OYSU.

Gudiga Fulinta OYSU ayaa waxa ay soo jeediyeen warbixin kooban oo ka hadlayso xalada ururka OYSU heer caalam meesha ay wax u marayaan iyo qaabka wanagsan ee jaaliyadaha iyo Ururka dhalinyarad iskugu xiranyihiin,wadashaqayn buuxdana uga dhaxayso.

Dhamaan gudiga fulinta OYSU ayaa fikiradooda kucabiray sida ay ugu faraxsanyihiin madaxda halganka qaab shaqeed kooda wanagsan ee mar walba ay la wadagayaan ururkad halinyarada OYSU meelwalba ay dunida ka jogaan,maadama ururka uuyahay Dhalintii halganka lafdhabarta u ahay halganka.

Intaas kadib waxaa madasha shirka war bixinaad u dheer oo kahadlayso halganka Ogadenia mesha uu marayo &xaalada guud soojeediyay Gudomiye  Ku xigeenka  JWXO DrMahamed  Ismail  Omar.

Sidoo kale  Mudane XasanMacalin oo ah Gudoomiya ku xigeenka HAAU ayaa asna warbixin qotadheer oo meela badan taabanaysay la wadaagay GF OYSU.

Ahmiyada shirkan Gudiga Fulinta OYSU iyo labada masuul ee JWXO oo ahayd  mid  aad u qoto dheer  wax  yaalabadana ay ku lafa gureen ayaa waxa uu socday afar saacadood ayaga oo kala joogay  dhamaan shanta qaradood ee aduunka ka koobanyahay.

Shirka laba dhinac laha ahaa ee  ay  masuuliyiinta Jabahada & OYSU wadayeesheen ayaa waxaa la isla qaadaa dhigay, Kor u qaadista tayada &wadashaqaynta ururka OYSU & dhamaan hayadaha halganka Xoojinta xidhiidhada, kala warqaadashada & habka wadashaqaynta ururka dhexdiisa & walibana in sifiican loo  dardargaliyo hawlaha ururka  loo igmaday. Soo saarida dhalinyaro tababaran laguna beero dhalinta dareen qadiyad & dal jacayl.

Masuuliyiinta  HAAU  waxay  u  balanqaadeen Gudiga Fulinta  OYSU  inay kalashaqayn doonaan hawla badan,joogtayna doonaan kulamada noocan ookala  ah.

Sidoo  kale  waxay ku guubaabiyeen kuna booriyeen dhalinta inaytahay xoogii, aqoontii & maskaxdii dalka, loonabaahanyahay inay  la yimaadaan  wax  qabad hufan.

Isku soo duuboo kulankaas oo ahaa  mid  aad xasaasi  u  ahaa,  noociisana horay  u  dhicin ayaa waxuu ku soo gabagaboogay jawi farxadeed & raynrayn,  la isuna dardaarmay  wax  qabad tayaysan.

Midnimo,Iskutashi,Allaahu Akbar

W/D: H/W/U/OYSU:AbdijamaalAbdulaahi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay