Maanta oo Isniin ah  taariikhduna ay ku beegnayd 11/11/13 waxaa xerada Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ee gobolka woqooyi bari Kenya ka dhacay shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen inta badan kaadirka iyo howl wadeenada faraca MIDNIMO.

Shirkan oo ay sooqabanqaabiyeen maamulka faraca ayaa furmay abaare 2:00 duhurnimo xiliga barika Africa waxaana sidii caadada ahaydba lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay halgame sheekh Aadan wuxuuna sheekhu ku dheeraaday jihaadka iyo sida uu shakhsi kasta oo ree ogadenia ah fardulcayn ugu yahay isagoo soodaliishanaya qolkii Allaah S.W iyo axaadiis kasugnaaday rasuulka S.C.W wuxuuna guud ahaan kaadirkii madasha fadhiyay ugu baaqay in ay gutaan waajibaadka saaran.
Intaakadib waxaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysay madasha kasoo jeediyay gudoomiyaha faraca mudane Axmad daahir isagoo wax badan kataataabtay marxaladaha uu halganku maanta marayo.

Sidoo kale waxaa hadal gaaban ka jeediyay mudane Bashiir Maxamad isagoo soo bandhigay qodobada ladoonayo maanta in laga doodo waxna layskaga ogaado waxaana hadalkii lagusoo wareejiyay golihii kaadirka ee madasha fadhiyay waxaana aad looga dooday loona falan qeeyay qodabadii lasooban dhigay oo ahaa qodobo dan u ah guud ahaan halganka hubaysan ee lagu xoraynayo ciida Ogadenia waxaana la islameeldhigay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin kaalinta kaadirka oo ladoonayo in kor looqaado in maamulka faraca oo ah kuwo kuhowlan howlo aad ubalaadha hareeraha lala qabto howlaha faraha badan ee ay kumashquulsan yihiin in bulshada laga wacyi galiyo tabaha cusub ee uu cadawgu adeegsanayo, in kor loo qaado guud ahaan wacyiga guud ee bulshada oo la’isla qiray in uu yahay mid heer sare maraya.

Guud ahaan shirkan oo ahaa shir ay isugu yimaadeen dad bisil oo mudo dheer halganka kusoo jiray ayaa la isku waydaar saday fikrado aad muhiim u ah.

Guntii iyo gabagabadii shirka ayaa soo dhamaaday xili ay goorsheegto maraysay 4:00 galabnimo waxaana goobta lagu tukaday jameecaad aad ubalaadhan oo salaadii casar ah.

G/gundiid
ONA Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay