Waxaa shalay ooy taariikhdu ahayd 10/11/2013 lasoo gaba gabeeyay kulamo isdaba joog ahaa oo baryahan socday ooy wada qaateen Madaxda Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka (HAAU) isku duweyaasha qaaradaha, Masuuliinta Jaaliyaad Somalida Ogadenia ee ka hawlgala dunida dacalladeeda iyo Gudiga Fulinta ee urur waynaha Ardayda iyo Dhalinyarada Somalida Ogadenia OYSU.

Kulamadan ooy siwadajir ah u daadihinayeen dhanka HAAU masuuliinta kala ah Mudane Maxamed Ismaaciil Gudoomiyaha HAAU, Mudane Xasan Macalin, Gudoomiye Kuxigeenka HAAU, Mudane Xasan Kamal Xoghayaha HAAU, Mudane Maxadamed Rashiid Madaxa Waaxda Abaabulka ee HAAU iyo Mudane Cabdinaasir Gadhwayne Madaxa Waaxda Arimaha Ururka ee HAAU ayay khadka isgaadhsiinta kula yeesheen kulamo toos ah dhamaan Masuuliinta Jaaliyada ee kudhaqan shanta qaaradood ee aduunka sida North America, Europe, Africa, Asia iyo Australia.

Wada tashi iyo falanqayn qotodheer leh kadib waxay madaxda HAAU soo bandhigeen qorsheyaal dhaxalgal ah kuwaasoo ladoonayo in sida oogu dhakhsaha badan loo hirgaliyo si loogana yool gaadho himilada iyo siyaasada Halganka Somalida Ogadenia ee lagu baadi goobayo xornimada iyo xuquuqda shacabka Somalida Ogadenia ee kuhoos dulman Gumaysiga Itoobiya.

Masuuliinta HAAU waxay ku,adkeeyeen Hawl-wadeenka jaaliyaad iyo OYSU ee kulamadan kaqaybgalay sidii loohirgalin lahaa dardar galinta hawlaha iyo waxqabadka Jaaliyaad, xoojinta xidhiidhka udhexeeya hay,adaha kala duwan ee halganka, fashilinta iyo kahortaga xeeladaha cadawga iyo cadaw kalkaalka doonaya inay siyaasadooda guracan dibada usoo safriyaan kadib markay ku guul daraysteen khasaare laxaadlehna kala kulmeen Ciidanka wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO).

Dhanka kale waxay madaxda iyo masuuliinya Jaaliyaadka S.Ogadenia iyo waliba Gudiga Fulinta OYSU hoosta kaxariiqeen sibuuxdana iskugu afgarteen hirgalinta istiraatiijiyada iyo qorshaha ay masuuliinta HAAU soobandhigeen iyagoo balan qaaday ineey sida oogu macquulsan umeel marin doonaan oogana midho dhalin doonaan hirgalinta guud ahaan hawlaha iyo qorsheyaasha halganka oo idil.

Kulamadan oo ahaa kuwo is afgarad iyo iskaashi wanaagsan kusoo dhamaaday ayay kaqaybgaleyaashii kulamadan isla qireen muhiimada ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay,adaha kala duwan ee halganka iyo siday lagamamaarmaan utahay meelmarinta qorsheyaasha ay maasuuliinta HAAU soobandhigeen.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay