Shir si heersare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa ka dhacay Magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape Dalka Koonfur Africa, Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Ogadeeniya ee Koonfur Africa,

Shirkan oo ahaa mid Arimaha Amaanka Somalida iyo dhibaatooyinka la soo darsa looga hadlayay iyo sidii ay Somalida ku dhaqan Dalkaasi isuguTiir sanaan lahaayeen  ayaa waxaa si weyn ooga soo qayb galay Dadwayne aad u baddan Iyo Masuuliyiin ka socotay Jabhadda ONLF .

Shirkan ayaa diirada Lagu saaray Xaalada Ogadeeniya, Halganka Shacabka  Ogaadeeniya iyo Sidii ay  Bulsho weynta Soomaaliyeed isu  kaashsan lahayd.

Shirka waxaa  ka soo qayb galay  Ururada u dhaq-dhaqaaqa shacabka  Soomaaliiyeed ee ku dhaqan Dalka Koonfur Africa waxaana  ka mid ahaa  Ururadaas Ururka Haweenka Ogadeniya ee SA, Ururka Haweenka  Soomaaliyeed (South Africa Somali Women Union) Somali Board Community,  Community of African Nation in South Africa (Ururka qoomiyadaha Africanka ah ee SA) iyo Ururada dhalinta Somaaliyeed.

Masuuliyiinta Goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay in Wakhtii Gumaysigu uu dhamaaday Halganka Shacabka Soomaalida Ogaadeeniyana uu yahay mid guulaysanaya.

Gudoomiyaha  Jaaliyada Ogadeniya ee KuunFurAfrica  ayaa  khubdan dheer  ka jeediyay  Shirka ,

Jalaaiyada Ogadeniya ee  South Africa ayaa la’aas aasay Sanadkii 2002 islmarakaana Dalka  Koonfur Africa Xafiisyo Badan  ku leh  waxayna u taagan taahy Uruurinta iyo isku xidhka bulshada, ayuu yiri Gudoomiyaha  JOKA Mudane C/raxman.

Xayi Yare

Port Elizabeth

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay