Sidaan horay ulawada soconay waxaa ilaa bishii October 14 keedii,  markii uu soo baxay filinkii uu Cabdulaahi Xuseen mudada dheer ku hawlanaa ee laga daawaday telefishinka ugu waynwadanka Sweden, iyadoo lagasoo bilaabo maalintaas ilaa hada ay dhamaan warbaahinta ugu muhiimsan Yurub aad uga faalootay filinkaas cadaymaha lagu soo bandhigay ee aan meel looga weecdo lahayn, ayaa waxaa socotay dacwad uu qareenka ugu caansan wadanka Sweden ka furay maxkamadda dambiyadda xuquuqul insaanka. Arinta ugu wayn waxay ahayd iyadoo uusan filinku ahayn mid la isu geegeeyay ama la dhoodhoobay ee uu ku salaysnaa cadaymo ay maamulka illey laftoodu gacantooda ku sameeyeen.

Haddaba kadib markii uu filinkaasi gaadhay indhaha beesha caalamka khaasatan wadamada Yurub ee la arkay dambiyada laga galay shacabka S.Ogadenya, ayaa waxa uu Cabdulaahi Xuseen durbadiida bilaabay dadaalkii uu cadaymihii uu hayay ee uu naftiisa halista usoo galiyay ku gaadhsiin lahaa cidii ay khusaysay ee wax ka qaban kartay waxa uuna helay oo garab istaagay dad aad u fara badan oo u dooda xuquuqda aadamaha oo ay kamid yihiin qareeno aqoon leh oo khibrado fara badana u leh dacwadaha noocan oo kale ah. Waxayna iyagoo iswada kaashanaya si toos ah dacwadii uga bilaabeen Guddiga Swedish war crimes commission iyagoo dacwada kusaleeyay dagaal danbiyeed kadhacay gudaha OGADEN, maadaama cadaymaha lahayaa ay ka marag kacayaan , dil, kufsi , Jidh-dil iyo dambiyo kale oo aad u fara badan oo aana halkan lagusoo wada koobi Karin.

Haddaba iyadoo tan iyo intii uu Cabdulaahi dacwadaas gudbiyay ay dad aad u fara badani oo ah dadkii dambiyada laga galay iyo qaraabadooda iyo guud ahaan dadweynaha Somaliyeed ee Ogadenya ay wadnaha farta ku hayeen in dacwadaas la aqbali doono iyo in kale isla mar ahaantaana ay gacan-ku-dhiigle Cabdi illey iyo kuwa meesha kuhayaaba ay xooga saarayeen sidii ay arintaas uga hortagi lahaayeen iyagoo adeegsanaya saaxiibadooda gaarka ah ayaa waxay arintii ku danbaysay in ay dacwadii noqotay mid aana indhaha laga qabsan Karin lagana weecan Karin islamarkaana sidii ugu haboonayd looga go’aan gaadhay iyadoo waliba danbi baadhe kasta oo indhaha saaraa uu ku qancay kuna dhiiraday inuu qaato baadhisteeda.

Go’aanka ayaa waxaa gaadhay Xeer-ilaaliyaha (prosecutor)-ka ugu sareeya wadanka Sweden waxaana si rasmi ah loo guda galay investigationkii danbiyada ay gaysteen nimankaas aduunwaynaha kanoqday danbiilayaashu.

Dhanka kale illey oo lahubo inuusan aqoon iyo xeelad toona u lahayn isdifaaca ama ka garbixida danbiyada uu gaysto ayaa waxa uu durba bilaabay inuu danbiyada kaga lug baxo cabdulaahi itoobiya oo isaga laftiisu kamid ah shakhsiyaadka ay dacwadu sida uGu wayn u taabanayso loona hayo cadaymo badan iyo waliba ajinabi reer yurub ah oo uu gacantiisa ku garaacay.

Sikaskooy ahaataba Cabdulaahi Xuseen ayaa waxa uu shacabka dulman ee uu ina Iley sida tooska ah ee aan gabashada  lahayn xuquuqdooda ugu tunto usoo jeedinayaa in ay maanta tahay markii gacmaha la isu qabsan lahaa kahortaga dilka, jidh dilka, kufsiga iyo xadhiga bilaamicniga ah ee shacabka ku habsaday loona baahan yahay inaana illey loo ogolaanin inuu shacabka ku kala qaybiyo ama ku kala kasbado siyaasad iyo qabiil, wuxuuna cabdulaahi xasuusin yar usoo qaatay qoraalkan hoose..

Ugudanbayntii waxaan marlabaad shacabka dulman meelkasta oo ay joogaan ugu bishaaraynaynaa in taariikhda markii ugu horaysay si rasmi ah loo bilaabay baadhitaanada falal danbiyeedkii ka dhacay gudaha Ogaden ama deegaanka soomaalia, iyadoo waliba aysan ahayn dacwad fara madhan ee ay tahay mid ay rasaastii u buuxdo. Guul iyo Gobanimo.

ONA.

 

 
 

1 Comment

  1. wadani says:

    guulayso abdulaahi waxaan klataliniyyaa kuwa la shaqeeya wali shaydaan imna ilay in ay sidaas ookale sameeyaan unahiiliyaan dadkooda

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay