Xoriyadda wadada kaliya ee loo maro waa halgan dheer oo naf iyo maalba ay tahay in loo huro. Ma jirto wada kale oo loo maro xoriyadda.

• Shardoo nacabka Say-dheere iyo, saanad lala doonto
• Seef iyo bilaawiyo shardoo, salabka loo qaato
• Suryaduu maraayaba shardood, soodhle kaga shiishto
• Sanbabada shardood kala heshoo, sarartu dhiigowdo
• Adigana surkuu lugu jariyo, sabaro naafooba
• Iyo suxuladaadoo jabiyo, seed ku kala booda
• Shardii ood naftoo sirinsirqa ah, toban sagaalayso
• Soomalidda Galbeedeey filkiin, lama sin maysaane
• Isticmaar sutidoo loo qabtiyo, siin aad kaga keento
• Sanahaabadaasuu ku dayn guushuu kaa sidda ee
• Adigana suncadii kaa luntay baa, sacadaa iman ee
• Markaasay siqiirkaad dhashay iyo, sabigu noolaan ee
• Sidaan idhi haddaydaan wax badan, saahid ku ahaanin
• Xornima aad saleela u heshaan, idinka oo seexday
• Waa tii saancad laga qaado oo, lugu sumoobaaye

Tixdan waa qayb ka mid ah xigmadihii Dhoodaan intuu ahaa thowriga.

Qaar badan oo maangaab ah oo aan taariikhda shucuubta akhrisan ayaa isku maaweeliya in shacabka Koonfurta Sudan ama shacabka Eretreeya loogu hiiliyay diin oo xoriyadda loo siiyay u xaglin oo aanay soo marin hooga loo maro xoriyadda.

Filimkan hoose waxaad ka arki kartaan dhibaatada shacabka Koonfurta Sudaan ay u soo mareen xoriyadda ay shalay u dabaadageen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay