Maalinnimadii shalay(khamiis 14.11.2013) waxaa shir muhiim ah lagu qabtay xerada Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab,kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka faraca midnimo waxaa kasoo qayb galay odayaasha ree ogadenya ee kudhaqan xerada qaxootiga ee Dhagaxlay waxaana lagaga hadalay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin abaabulka bulshada ree ogadenya iyo arimaha qoxootiga ree ogadenya ee kudhaqan Dhadhaab.

Mar laga hadlayay kaalinta odayaasha ee halganka Ogadenya ayaa la isla qiray in ay odayaashu halganka kuleeyihiin kaalin mug leh la’aantoodna uusan waxba kala socdeen waxaana laxusay wax qabadkooda muuqda ee ay halganka kuleeyihiin.
Odayaasha ayaa balan qaaday in ay sii laban laabayaan kaalintooda dhankasta oo ay ahaatana ay diyaar u yihiin in ay isu taagaan waxqabadka umada dulman ee ree Ogadenya.

G/gundiid ONA dhagaxley

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay