Saudi Arabia(Dammam). Jaaliyada Somaalida Ogadeniya ee gobolada Sharqiya (Bariga Sacuudiga) gaar ahaan Dammamm, Alkhobar iyo mida Togba ayaa maanta isugu yimid shirkooddii laba todobaad laha ahaa. Shirkan oo runtii ahaa shir tayo iyo xiiso gaar ah u lahaa jaaliyadda ayaa lagu qabtey guriga xoriyo 2 (Freedom house 2) oo ah xarunta labaad ee jahliyadu sida rasmiga ah u degan tahay shirarkana lagu qabto. Jahliyada oo balaadhan awgeed ayaanay u suurto galin inay shir kaliya ama goob kaliya isugu yimadaan taasina waa mida keentey in hadba rug ama xarun lagu qabto shirka.

Kulankan oo ahaa mid xamaasad gaar ah leh ayaa laysku dhaafsaday doodo ay ka mid ahaayeen, guubaabo, dhaliil dhismeedyo, waanooyin iyo is uur xaadhasho.

Dood dhawr saacadood socotey ka dib waxay xubnihii jahliyadu is la meel dhigeen siddii loo sii  xoojin lahaa taageeridda halganka ka socda Ogadeniya iyo siddii tabaha cadowga nafla caariga ah goor kasta loo fashilin lahaa, go’aano dhaxalgal ah oo quseeye ajindihii shirka horyaalay ayayna isla meel dhigeen.

Ugu dambeyn waxay dhalintii is qabsadeen gacmaha iyagoo ku dhawaaqaya hal kudhigyada JWXO sida:

 

Mintid     Midnimo    Isku tashi iyo Allahu Akbar.

Ali Yare/Dammam, Saudi Arabia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay