Ururka  Midawga  Dhalinta & Ardayda  Ogadeniya ee marka la soo  gaabiyo  loo yaqaano  (OYSU)  Qaybtiisa  magaalada Port Elizabeth ee Dalka  Koonfur Africa iyo  masuuliyiin  ka  socoday maamulka Jaaliyada Ogadeniya  ee South Africa (JOKA) ayaa  maanta ka qayb galay xaflad lagu maamuusayay Maaalinta  dulqaadka caalamiga ah (International day for tolerance)

Munaasabadan  oo  si weyn  loo  soo qaban qaabiyay  ayaa waxaa  ka soo  qayb galay Ururka  OYSU, qaaar ka mida Masuuliyiinta Jaaliyada Ogadeniya, SA Human rights Commission, laanta  Amniga  (SAPS Commission ) Laanta Department of Home Affrairs , waaxada  qaabilsan  Qaxootiga, Ururaka  Haweenka Somaaliyeed (South Africa Somali Women Union ) Somali Community Board , Community of African Nations, iyo qaar ka mida  Ururada ka soo jeeda  wadamada  Africaan-ka ah  oo ay  ka midyiin  Keniya Zimbawe Zambia , Malawi, Itoobiya iyo DRC-Congo


Munaasabadan ayaa  siweyn looga hadlay Arihama Amaanka is dhex galka  bulshada iyo wada noolaanshaha dadka ku nool wadanka Koonfur Africa iyo qaarada Afrikaba.

Dhamaan Masuuliyiintii munaasabada ka hadashay  ayaa sheegay  in wakhtigii   gumaysigu dhacay loona  baahanyahay in dhalinta Africanku  gacmaha  is  qabsadaan waxay intaas  ku dareen in Ogadeniya ka mitahay meelaha  uu Xasuuqa ugu  badani  ka dhaco qaarada Africa, waa wax lalayaabo African –African gumaysanaysta waxayan  la mitahay  Dawlad  dadkeeda  Gumaysata, ayay yiraahden qaar  makid ahaa Masuuliyiinta hadasahy.

Ururka  OYSU ayaa  Suugaan Halgameedka  Ogadeniya goobta  soo  bandhigay, Jaaliyada Ogadeniya  ee South Africa  ayuu  xiriir wanaagsanka dhaxeeyaa  dhamaan  Ururada  bulshada.

 

 

 

Xayi Yare

ONA/Port Elizabeh

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay