Shir ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Fulinta OYSU ayaa waxa ay shirka qadka kula yeeshen Gudigii hore ee OYSU Xilka sadax sano soo hayay .

Waxaa Shirkan Lagu furay Ayadaha Quraanka Kariimka waxana soo jeediyay Abdijamaal Abdulaahi, ka dib waxa loo guda galay ajandaha shirkan, iyadoo uu shir gudoon ka ahaa Xog-hayaha Guud ee OYSU Mudane Jamal xukun.
Mudane Jamaal xukun ayaa waxa uu shirka ka soo jediyay war bixin gaban oo uu la wadagayay dhamaan marti sharfta shirka ku jirtay oo ahaa gudigii hore ee OYSU iyo gudiga cusub ee xilka hada hayo ee uu xog-hayaha u yahay Jamaal Xukun. Ka dib waxaa lagu soo dhawayay Xog-hayihii hore ee OYSU Mudane Mujaahid Sheikh Ibraahim, oo nolasha shirka ka soo jeediyay war bixin kooban iyo tala wadaag aad u wanagsan oo uu la wadagay gudiga fulinta ee hada xilka hayo maadama uu mudane Mujaahid Sheikh Ibraahim uu yahay Mudanihii sadaxda sane ee la soo dhafay xilka hayay aqoon badan iyo waya aragnima badana u leh ururaka OYSU.

Mudane Shaafi Shilaabo oo ahaa Afhayeen kii hore OYSU ayaa asagana war bixin kooban iyo tala bixin aad u wanagsan shirka ka soo jeediyay iyo sidii horey loogu sii qadi lahaa howlaha ururka dhalinyarada OYSU, Mudane Shaafi Shilaabo Taladiisa ayaa waxa ka mid ahaa, in la dar dar galiyo lagana shaqaysiiyo Action Plain ka ururka, In kormeer guud lagu sameeyo dhamaan Holwadeenada OYSU.

Mudane Omar Sheikh Abdulaahi oo ahaa Hogaankii hore ee warfaafinta OYSU ayaa lagu soo dhawayay asaga oo war bixin kooban shirka ka soo jeediyay gaar ahan dhanka warfaafinta oysu wixii u qabsoomay iyo wax aan u qabsoomin intii uu xilka hayay asaga oo aad u soo dhawayay qabka wanagsan ee hada gudiga fulinta OYSU ay shaqada u wadan GF OYSU
Tala wadaga iyo fikradaha ay is waydaarsadeen GF OYSU ee hada xilka hayo iyo hool wadeenadii hore ee OYSU ayaa waxa uu ku soo gaba gaboobay jawi aad u waanaagsan iyo wada shaqayn buuxdo oo dhamaanba maadama ay yihiin maskaxdii ururka hagtay iyo kuwa hada hagayo in magaca iyo mansabka & qadiyada Ogadenia in kor loo qaado Halganka la garab is taago maadama ay dhalintu tahay Laf dhabarka Halgan JWXO ay hurmuudka u tahay Hogaankana u hayso sharafta iyo Karamada Shacabka Somalida Ogadenia in heeryada Gumaysiga madow mar dhaw la iska dul qado.

Isku soo wada duuboo shirkan ayaa waxa uu ku soo gaba gabobay jawi aad u wanagsan oo aad u farxad badan.
GF OYSU ayaa baryahaan oo dhan shir goos goos ah la leh madaxda jwxo howl wadeenada OYSU meel walba ay jogaanba. GF OYSU ayaa waxa ay kulama la soo yeesheen Howlwadeenada OYSU South Africa Waxa kale oo ay la yeesheen Iskuxirayasha Qaaradaha OYSU iyo Madax JWXO waxaana u sii qorshaysan Howl wadeenada qaradaha kale ee OYSU in ay kulama muhiim ah oo kan oo kale ah in ay la yeelan doonaan .

H/W/U/OYSU

Abdijamaal Abdulaahi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay