Wednesday, November 20, 2013

Source QOL:

Wariyaha Qorahay Media u qaabilsan arimaha Waraysiyada Abdullhau Gayfane ayaa maanta Waraysi la yeeshay Siyaasiga weyn ee mudada ku soo jiray Halganka lagu Xoreynayo Ogaadeenya Dr. Mohamed Ismaciil Omar isaga oo kamid ahaa xubnihii aas-aasay Ururka ONLF ee ku jira Xoreynta Ogaadeenya sanadkii 1984.

Wariyaha oo Su’aalo badan waydiiyay oo isugu jira Taariikh, Siyaasada, & Hormarba ayaa wuxuu uga jawaabay si aad u wanaagsan isaga oo faah-faahin ka bixiyay su’aalihii la weydiiyay.

Dr. Mohamed Ismaciil ayaa sheegay dhibaatada Geeska Afrika ka taagan in ay sabab u tahay qadiyadda Ogaadeenya oo ay labadii dawladood waa Soomaaliya & Itoobiya burburisay ayada oo labada dhinacba isu hubeeyay Jabhado markii dambe u horseeday ama soo da-dajiyay bur-burkooda.

“Soomaaliya waxaa bur-burisay waa Itoobiya kadib markii ay hubaysay Jabhado ay hubaysay ayada oo ka cabsi qabtay in ay Jabhado ka bilowdaan gudaha Ogaadeenya ay Soomaaliya taageerayso”

Dhanka kale Dr. Mohamed Ismaciil wuxuu ifiyay ujeedada ugu weyn ee ay Itoobiya u dhibaataynayso shacabka Soomaaliyeed ee mudada dawlad la’aanta ahaa in ay tahay dagaalka Gobanimo doon, “Dadka Soomaaliyeed ee Gobanino doonka ah in aynan fursad helin” taasina annagu waan ognahay Itoobiyana way ogtahay, Maah-maah ayaa ahayd cadhada yaxaaska loo qabo ayaa biyaha loo tumaa ayuu yidhi Dr. Mohamed Ismaciil oo u waramayay Qorahay Media.

Dhanka kale mar Su’aal laga waydiiyay Dagaal mudo dheer socday ayaad ku soo jirteen laga soo bilaabo 1994 maxaad faa’iido ah oo aad haysaan?

Wuxuu kaga jawaabay Waxaanu gaadhnay guulo aad u badan dagaalkii aan xiligaas bilownay wali wuu socdaa isaga oo kor u socda, waxaan bur-burinay siyaasadii Itoobiya ee guda & dibadba, waxaan kasbanay dawlado aan taageero ka helo, waxaan fashilinay in ay Itoobiya meelaha caalamka ah aan ku fashilino, waxaan dacwooyin ku furay kuwa dambiyada ka galay dhacabka Ogaadeenya, Geeska Africa Itoobiya oo laga cabsado ayay annaga naga cabsataa, Waxaan nahay quwad lagu tashanayo, waxaan soo celinay kalsoonida shacabkanaga, waanuna ka xoraynaynaa dhulkanaba si ayaan aayahanaga uga tashano oo aan u noqono umad xog ah.

Dr. Mohamed Ismaciil wuxuu si weyn u dhaliilay siyaasada guracan ee ay Itoobiya ka wado Geeska Afrika & Magaca IGAD oo uu sheegay in ay Itoobiya ku uwaadhsato kuna bur-buriso umadii Soomaaliyeed ee dhulka ugu qanisan ee Afrika ku nolaal bad & bariba wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay fahmaan siyaasada Itoobiya ee ku salaysan gumaysi & dhulbalaadhsi kuna duudsinayso qadiyadda Ogaadeenya taas oo aynan anaga wax dhib ah noogaysanin markii ay 2006 qabsatay Muqdisho waxaan kor u qaadnay dagaalkii aan kula jiray anaga oo ka go’doominay dhamaan meelihii ay soo marayeen.

Dhanka kale wuxuu Amaan u soo jeediyay shacabka Ogaadeenya oo uu ku tilmaamay in ay geesi yihiin isaga oo ku sheegay in ay ka soo dhalaaleen ujeedooyinkii ay ka duulayeen oo ay ugu wayntahay in Halganka la xoojiyo kaas oo uu ku sheegay meesha ay maanta ONLF marayso in ay tahay meel aad loogu diirsaday Itoobiyana aan ku noqonay laf-dhuun gashay oo fashilisay dhamaan siyaasadeeda guracan.

Isku soo wada Duboo Waraysigan oo ah mid aad u xiiso badan waxaad kaga bogan kartaan Radio Qorahay Barnaamijka barito ka baxaya waxaadna ka dhagaysan kartaan Bogga Qorahay.com mudoyar kadib hadii allaah idmo

Qorahay Media

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay