Mudane Cabdulaahi Xuseen ayaa maalinkii Arbacada wuxuu lecture socday saacad iyo badh ka jeediyay jaamacada Stockholm University oo ah tan ugu wayn wadankan Sweden.  Ciwaanka lecture ku wuxuu ahaa Xoriyadda Hadalka Dalalka Kali-talisyada (Freedom of speech in Dictatorship). Waxaan hall-ka isugu yimid arday aad u fara badan oo ah kuwa dhawaan ka qalinjabinaya jaamacada qaybta Saxaafada (journalism).

Lecture-ka oo arima badan uu kaga hadlay Cabdulaahi Xuseen ayay ardayda saxaafadda barata ka faa’idaysteen, waxayna horseedi doontaa inuu caalamka ogaado waxa ka socda Itobiya guud ahaan, gaar ahaan inay ardayda oo ah jiilka mustaqbalka bartaa dhulka Ogadenya iyo dhibka ka jira ee shacabkeena lagu hayo. Jaamacadaha oo ah meelaha ay ka socdaan barashada iyo baadhitaanka dalalka iyo dhaqanada shucuubta caalamka ayaa Lecture-ka Cabdulaahi Xuseen uu wax ka badali doonaa dhanka warbaahinta.

Waxaad halkan ka daawan doontaa qayba ka mid ah lecture-ka uu Cabdulaahi ka jeediyay Jaamacadda SU oo kaga xogwaramayo dhibaatooyinka ay ciidamada Itobiya ku hayaan dadka shacabka ah.

waxaad riixdaa link-ga saad u daawato Lecture-ka iyo Filimada uu daawadsiiyay ardayda Cabdulaahi Xuseen.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay