Gudoomiye ku xiegeenka Hoggaanka Warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cali ayaa booqasho ku joogay wadanka UK isaga oo halkaas u joogay arrimo la xidhiidha horumarinta Saxaafada ku hadasha codka shacabka Somalida Ogadeniya.

Xildhibaanka mudadii uu joogay waxa uu magaalada London ka waday Siminaaro isugu jiray qeybaha kala gadisan ee Warbaahinta. Waxa uu kulamo Aqoon isweydaarsi ah la sameeyay Shaqaalaha Ilays tv. Kulamadaas waxaa kale oo ka qeyb qaadanayay xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka UK iyo maamulka jaaliyada.

Xildhibaan Maxamed Cali waxa uu sidoo kale u kuurgalay dareenka Jaaliyada ee ku aadan warbaahinta iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta ku hadasha codka shacabka Somalida Ogadeniya. Waxaana talooyin iyo tusaalayaalba kulamadaas cilmi baadhista ah uu gudoomiye ku xigeenka Hoggaanka warfaafintu ku aruuriyay talooyin iyo xog aruurin.

Ilays TV

Gudoomiye Ku xigeenka Hoggaanka warfaafintu sidoo kale waxa uu ka qeyb galay Siminaarada Ilaystv ee ku aadan Duubista filimaanta iyo isku habeynta filimada. Isaga oo shahaadooyin gudoonsiiyay Xubno kamida Ilays oo iyagu dhameyay Siminaaro xarunta Ilays Studio ka socday.

Gudomiye ku xigeenka Hoggaanka Warfaafinta ayaa siminaaradan ku tilmaamay kuwo kusoo beegmay waqtigoodi. Maanta waxaan joogna waqti casri ah oo warbaahinta adduunku isla jaan qaaday, qalab casri ah iyo farsamo cusub in hadiyo jeer la helo waa ahmiyada kowaad ee warbaahiuntu u baahantahay.

Gudomiye ku xigeenka Hoggaanka Warfaafintu maanta oo uu soo gabagabeeyay socdaalkiisi Wadanka Ingiriiska, waxa uu ka xog waramay baahidii iyo duruufihi kala gadisna heerarka kala gadisan ee warbaahinta JWXO soo martay. Waxa kale oo uu ka waramay hindisaha iyo qorshayaasha la damacsanyahay in la fuliyo.

Wariyaha ONA
London, UK

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay