Itobiya dil iyo kufsi iyo barakicin laguma noqonayo qarnigan 21aad. Hadday boqortooyadii Aksum ee ka soo daadagtay buuraha Waqooyi ay qarnigii 18aad ku qasbeen qawmiyadihii ay ka taagroonaadeen inay dhalan rogaan dhaqankoodii, afkoodii iyo diintoodiiba, haduu shacabka Somaliyeed ee Ogadenya dagan diidanaa tan iyo waagaa in la dhalan rogo, way adagtahay in qarnigan ay ogalaadaan gumaysi iyo in la duudsiyo xaqooda aadminimo oo Xoriyadda ugu horeyso. Diimadaasi ma’aha mid lala gabanayo ama laga baryayo gumaysiga, sababtoo ah Xoriyadda waa la qaataaye la’isma siiyo (Freedom is Taken Not Give). Laguma hayo caalamka gumaysi dad iyo dal uu gumaysanayay kaga tagay baryo iyo halgan la’aan. Waa – Iga Guur Kuma Guuro  (Akhri).

Xaqiiqadaasi waa mid soo jireen ah oo Qura’aanka xataa uu noo ishaaray. Qisada ugu badan ee Ilaahay uu Quraanka nuugu sheegay waa arimihii soo dhexmaray Fircoon iyo ciidankiisa oo Gumaysanayey iyo Nabi Muuse CS oo Ilaahay u soo diray ree Banii-Israaiil inuu ka soo saaro adoonsiga ay ku jiraan.

Markuu Fircoon arkay inuu run sheegayo nabi Muuse CS oo fariimaha uu wado ay dhab yihiin la tashigii uu la sameeyay golihiisa sare waxay ku go’aamiyeen in lala dagaalamo Muuse iyo wuxuu wato oon marnaba la ogolaanin in la xoreeyo ree bani Israaiil oo la raaciyo Nabi Muuse CS.

وقال الملأ من قوم فرعون أتذر موسى وقومه ليفسدوا في الأرض ويذرك وآلهتك قال سنقتل أبناءهم ونستحيي نساءهم وإنا فوقهم قاهرون

Waxay ku tilmaameen Golaihii sare ee Fircoon sida ka muuqata aayadda inay nabi Muse CS iyo inta raacday ka wadaan dalka Fasaad, markuu dalbaday in dadkiisa la xoreeyo. Wuxuuna ugu jawaabay raggana waan laynaynaa, haweenkoodana waan haysanaynaa. Sidaa ayayna fuliyeen ciidankii Fircoon. Dhibaatadii horey u haysatay ee gumaysiga ahayd iyo dilkii hore waxaa uga darnaaday midkan. Kolkaa ayay ku yidhaahdeen nabi Muuse CS, dhibkii horey noo haystay waxaa ka daran midkan hadda na qabsaday oo waxba kaama aanan korosan.

قالوا أوذينا من قبل أن تأتينا ومن بعد ما جئتنا.. 

Nabi Muuse CS wuxuu ugu jawaabay;

قال موسى لقومه استعينوا بالله واصبروا إن الأرض لله يورثها من يشاء من عباده والعاقبة للمتقين 

Xaqiiqada waa midaa uu nabi Muuse CS u sheegay dadkiisa, waana mid joogta ah. Hadaad doonayso xoriyad waa inaad dalbato ood u halganto, ka dibna u adkaysato dhibka kaaga imanaya gumaystaha.

Markasta oo halganka uu sii xoogeyasto waxaa sii badanaya dhibaatada iyo aargoosiga ay Itobiya ku hayso shacabka. Mana aha arintan mid hadda ku bilaabatay shacacbka Ogadenya ee waa dhaqan ay leedahay Itobiya oon la soo koobi karin dambiyada ay ka gashay guud ahaan shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika. Waxaa sidoo kale markasta soo baxa qaar calool nugul oo durbadiiba la soo boodi maxaa inooga kordhay halganka aan wadnay oon ka ahayn dhibaatada lagu hayo shacabka أوذينا من قبل أن تأتينا ومن بعد ما جئتنا. Markuu Ilaahay ina farayo in la sabro, oo qofkii sabra oo kali ah uu guusha gaadhayo, sow macnaheeda ma’aha inuu dhib weyn ka sokeeyo hanashada guusha? Hadaan dhibkaa loo sabrin oon halganka la kordhin oon dibinada la qaniinin sow gunnimada laguma abaadayo?

Waxaan horey u soo tilmaanay in shacabka Eretreeya dhibaatada loo gaystay ay u soo adkaysteen ilaa ay guusha gobanimo ka hanteen ay adagtahay inuu qof kuwaa cabaadaya ka mid ah rumaysto. Waxaan horey u soo sheegnay marka ciidanakii jabhadda WSLF ay ka soo baxeen dalka, inay jabhadoodii EPLF ay magaalada Nagfa oo kali ah dhufays ka qoteen oo 8sano ay ku dagaalamayeen dhufaysyadii ay qoteen.

Waxaan maqlaynaa hadalhaynta dhibaatada ay ku hayaan shacabka maxaysatada Hawaarinta ee gumaysiga ugu talagalay inuu ciidankiisa ku difaaco oo dhufays uga dhigo. Arimaha noocan ah ma’aha mid ku gaar ah shacabka Somaliyeed ee Ogadenya. Waa arin soo jireen ah inuu gumasiga helo qaar uu ku adeegto oo waliba sidaan kaga faaloonay kacdoonkii Gobanimadoon ee dalka Algeria uga darnaada shacabkooda gumaysiga. Waxaa Farasiiska la socday oo ka soo horjeeday gobanimada shacabka Algeria oo gumaadka ugu badanna u gaystay shacabka waxay ahaayee kuwii daba-dhilfka ahaa ee ciidanka Farasiiska la socday oo loo yaqiinay Xaraki (akhri).

Sidoo kale kacdoonkii reer Vietnam ee qarnigii tagay waxaa xusuusta taariikhda ka mid ah falal dambiyeedkii uu ka galay shacabkiisa Gen. Nguyen Ngoc Loan.

Hadaan isku soo ururino, halganka gobanimadoon ee shacabka S.Ogadenya wuu soconayaa inta uu gumaysiga Itobiya ka aqoonsanayo xaqqa Aaya-ka-tashiga umadeena.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay