Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan Xarunta dhexeee JWXO ayaa naloogu sheegay in khasaare laxaadleh lagu gaadhsiiyay cadawga dagaalo badan oo CWXO ay ku qaadeen fadhiisamada ciidamada gumaysiga Itoobiya ay ka dagan yihiin dalka. Warbixinada aan helnay oo ahaa dagaaladii dhacay 8dii ilaa 17kii Nov. 2013 ayaa cadawga lagaga dilay ugu yaraan 26 askari iyo dhaawac farabadan. Duudceed oo ka tirsan Qabridahar ayaa lagaga gubay baabuur kuwa ciidanka qaada ah. Dagaaladaa ayaa u kala dhacay sidan;

8/11/13 Goshagaloolka oo dagmada Galaalshe katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

8/11/13 Daandi oo Baabili katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga kudhaxmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

9/11/13 Marsin oo Galaalshe atirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 2 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

11/11/13 Horashagax oo dagmada Dhanaan katirsan iyo Inakooshin oo dagmada Garbo udhaw dagaalo kakala dhacaywaxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 11 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/11/13 Xaraar oo Qabridahare katirsan iyo Duudxanan oo Sagag katirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay inta lahubo 4 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/11/13 Boodadheere oo Qamuuda udhaw dagaal ku dhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 5 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/11/13 Balanbaal oo dagmada Shaygoosh udhaw waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

17/11/13 Duudciid oo duleedka Qabridahare ah kamiin ay kaxidheen CWXO waxaa soogalay kolanyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada cadawgu waxaana halkaas lagu gubay 1 baabuur oo nooca ay ciidamadu qaataan ah.

17/11/13 Qudhaclay oo Shaygoosh katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay