Shalay ooy taariikhdu ahayd 30/11/2013 waxaa kullan khadka isgaadhsiinta ah iskugu yimid Gudoomiye Kuxigeenka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) ahna Hogaanka Abaabulka iyo Arrimaha Ururka (HAAU) Mudane Maxamed Ismaaciil, Kuxigeenka Hogaanka HAAU Mudane Xassan Macaalin, Iskuduwaha Qaaradda Yurub (Europe) Mudane Cismaan Badal iyo Gudoomiyeyaasha Jaaliyadaha Qaarada Yurub.

Ujeedada kulanka waxay ahayd sidii dagaalka lagula jiro Gumaysiga Itoobiya loosii laba jibaari lahaa, sidii shacabka dhibka Gumaysigu kuhayo beesha caalamka loogu soo bandhigi lahaa iyo in shacabka ree Ogaadeeniya ee Qaaradda Yurub kudhaqan lagaadhsiiyo xaaladda wadanku kusuganyahay iyo dhibka joogtada ah ee shacbka Somalida Ogadenia laguhayo.

Waxaa kulankan khudbad qiimo badan leh oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Gudoomiye Kuxigeenka JWXO  Mudane Maxamed Ismaaciil, wuxuu siqoto dheer leh ooga hadlay xaalada halganku marayo iyo guulaha usoo hoyatay gobanimadoonka Somalida Ogadenia maalinba maalinta kadanbaysa.

Waxaa isaguna halkaas kahadlay Kuxigeenka Hogaanka HAAU Mudane Xassan Macallin oo warbixin dheer kabixiyay xaaladda siyaasadeed ee Gumaysiga Itoobiya uu marayo iyo siday qarka oogu saarantahay Itoobiya inuu kadhaco kacdoon lamid ah kii wadamada Carabta kadhacay oo kale. Mudane Xassan Macallin wuxuu sheegay shaaca kaqaaday in nimankii Tigreega ahaa ee Meles wax lacuni jiray ay dhaqaalihii wadanka farqaha kushubteen iyadoo uu kajiro maanta Itoobiya masuq baahsan taasoo uhorseedi karta wadanku burbur siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo balaadhan.

Waxaa kale oo kulankan kahadlay Mudane Cismaan Badal isagoo gudoomiyeyaasha jaaliyadaha Somalida Ogadenia ee kahawl gala Yurub usoo bandhigay sidii loo dar dar galin lahaa hawlaha halganka, wax qabadkana korloogu qaadi lahaa. Halgame Cismaan wuxuu sheegay in maanta jaaliyadaha Yurub looga baahanyahay ineey dabada iska raaciyaan gumaysigan waqtigiisii dhamaaday ee saama laluudka ah.

Kulankan oo kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan iyadoo laysla gartay in Qaaradda Yurub ay horseed unoqoto halganka gumaysiga lagaga soo horjeedo isla markaana shacabka Somalida  Ogaadeniya ee Yurub kunoolna lagaadhsiiyo guulaha jabhadda usoo hoyatay dhinaca siyaasadda, dagaalka iyo abaabulka iyo wacyigalinta bulshada.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay