Muxumed cabdi cumar Dage ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Uitenhage ee xarunta jaaliyadda ogaadeeniya ee JOKA
Muxumed oo ah muwaadin u dhashay Ogadenya kana soo jeeda qoys caan ku ah suugaanta ayaa la dhaawacay xili uu ka ganacsanayay meheradiisa oo kutaala magaaladaasi Uitenhage

Budhcadan ayaa soo gashay dukaanka ayagoo iska dhigay in ay wax gadanyaan,Kadib waxay la soo bexeen toorri. Muxumed wuxuu ku dadaalay in aysan tooridaasi meel halis ah ka haleelin, waxayna tooridu kaga dhacday gacanta oo warar hor dhac ah ay sheegayaan in ay seedo go een Walaw xaaladiisa caafimaad oo buuxda danbayso.

Waxaana Muhumed loola cararay isla markiiba Isbitaalka weyn ee magaalada Uitenhage (Professional hospital)halkaas oo gacantii laga soo daweeyey.

Goobta ay wax ka dhaceen oo ahayd dukaankii dhibane Muxumed ayaa waxaa soo gaadhay ciidamada amniga(Police) mana jirto cid wali loo qabtay falkan budhcadka ah

Gumaysidiid

ONA/South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay