War dag dag ah oo walaakada wararka Ogadenya(ONA) kasoo gaadhay saacado ka hor wadanka koofur Afrika ayaa sheegaya in magaalada Port Alizapeth(PE)lagu dhaawacay Maxamed Maxamuud Gaaciye,iyo Muxumed Cabdi Aabi Cumar Xili ay dukaankooda kusugnaayen.
Gaaciye ayay budhcad hubaysan xabad kaga dhufteen isha bixidda ah waxaana labadaas dhibane loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada.
Sido kale kale duhurnimadii maanta waxaa isna dhaawac loo gaystay N/hure Maxamed Xasan Yuusuf {Maxamed Xubbin} magaalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal Maxamed waxay xabadu jabisay bawdyada wuxuuna dhakhtarku sheegay in ay sadex xabadood kujiraan.

Shalay ayay ahayd markii dhaawac loogu gaystay magaalada Uitenhage ee xarunta jaaliyadda ogaadeeniya ee JOKA muwaadin Muxumed Cabdi Cumar Dage xilli uu ku sugnaa meheridiisa

Weerararda noocan ah ayaa mudooyinkii u dambaysay laga yara nastay waana markii ugu horeysan muddo cabbaar hada laga joogo oo dhowr fal oo noocaan ah ay isku maalin dhacaan,Somalida ka ganacsata wadankaasi K/afrika ayaa farta wadnaha ku haysa geeridii Mandela kadib oo ay hanjabaadyo kala kulmaan madoowga wadankaasi K/Afrika.

Gumaysidiid
ONA/K.Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay