Usbucan dhexdiisii waxaa shir aan caadi ahayn isagu yimid maamulka iyo xubnaha Unugta Dagmada willmar Ee Gobolka Minnesota USA.

Shirkan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiye Cabdicasiis Dahir Cusman(Labo Go’le), Ayuu ugu horaynba hadalka siiyay Halgame Cumar Ahmed Mohamed (Kooko) si uu Aayado Quraan ah ugu furo shirka, kaas oo wacdi kooban ka soo jeediyay madasha shirka.

Intaa kadib waxuu Gudoomiyuhu dulmaray Agendaha shirka oo mudanuhu ku sheegay in uu ka koobnaan doono qodobo dhawr ah, waxuuna ku hormaray warbixin guud oo gudo iyo dibadba taabanaysa, wuxuu sheegay in dhulkii hooyo ee ogadenia xilli barwaaqo ah oo roobab hada da’ayaan lagu jiro, shacabkana dhibkii Gumaysigu ku hayay uu kusii toban jibaarmay oo maalin walba la dilo,la kufsado, la dhaco, la dhibaateeyo dad aan waxba galabsan oo shacab ah, warbixin qodo dheer oo faahfaahsan kadib Gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay Abaabulka iyo wacyigalinta bulshada somalida ogadenia ee ku dhaqan Gobolkan Minnesota muhiimada ay uleedahay Xukuumadiisa waxaa kaloo uu ka hadlay Gudashada waajibaadka xubnaha gobolka iyo qabashada dhamaan hawlaha qorshaysan ee unugta ku soo gaadhay wareegtada.

waxaa kaloo uu soo qaaday muhiimada ay leedahay barashada xeerka ururka iyo sida ay ugu heelanyihiin in si buuxda ay uga haqabtiraan xubnaha barashada dhamaan xeerarka kala duwan ee ururka.

qodobadaas iyo kuwa kale oo xubnaha iyo maamulku si wanaagsan isula lafagureen ayaa dhamaantood la isku wada raacay iyadoo kolba mid qodobadaa la dul istaagayay.

 

Shirkan waxaa isna kasoo Qayb-galay, Gudoomiyaha Guud Ee Gobolka Minnesota Ee Ururka Midawga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadenia(oysu mn) Mudane Mohamed Hassan (Jawhar) oo warbixin halkaa ka soo jeediyay.

Ugu danbayntii shirkan waxaa lagu canbaareeyay Falalka wuxuushnimo ee bani aadamnimada ka baxasan ee Gumaysigu ogadenia uu ku hayo shacabka iyo kuwa gumaysiga gacanyaraha u ah.

Waxaa lagu bogaadiyay laguna taageeray halganka qori isu dhiibka ah ee ay JWXO hormuudka katahay maanta.

Waxaa loogu baaqay in shacabka reer ogadenia ka feejignaadaan borobagaandada cadawgu faafinayo taageero hiil iyo hoona la garab istaagaan ciidamada xaq udirirka jwxo.

ONA,
Willmar,
MN

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay