Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhaawacyo kala duwan loogu gaystay gobolada Eastern Cape iyo Kwazulu Natal ee wadanka konfur afrika muwaadiniin u dhalatay wadanka Ogadenya oo ka ganacsata wadankaasi.

Wariyaha ONA ee wadanka K/Africa ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay qaar kamid ah dhibanayaashaas halka uu qaarna la xidhiidhay dadkii ku hawlanaa xaaladooda caafimaad.
Mar uu la xidhiidhay Muxumed Cadbi Cumar Dage ayuu u sheegay inay gacanta seedo go,een laakiin uu aad u fiican yahay, lagana soosaray dhakhtarkii. Wariyaha ONA mar uu weydiiyey Muxumed Budhcadii dhaawaca u gaysatay in wax la qabtay wuxuu u sheegay in Police ku u sheegeen in mid kamid ah Mooryaantii La qabtay isago ku dhuumanaya Hospital kuyaala Tuulo aan ka dheerayn meeshii falka ka gaystay mana jiro wali wax dacwa ah oo loo fasaxay in uu furo.

Sidoo kale wuxuu wariyaha ONA la xidhiidhay Rashiid Axmed oo ku hawlan dhaawaca N/Hure Maxamed Xasan Yusuf {Maxamed Xubin} dhakhtarka gacanta ku haya Maxamed Xubin wuxuu cadeeyay in bawdyadu kajaban tahay 2 meelood isla markaana waxaa lagu arkay sawirka X-try Raajada- 3 xabadood oo kujira bawdyada,Maxamed waxaa lagu hawlan yahay qalitaankiisa oo aan wali la bilaabin.

Dhacdadi ugu danbaysay ee lagu dhaawacay labada muwaadin ee isku meesha joogtay mar uu la xidhiidhay wariyuhu mudane Mahad Catoosh oo lajoogay labadaas wiil wuxu u sheegay in Muxumed Cabdi Aabi {Fiidaw} aad u sahlan yahay lagana soosaray dhakhtarkii waxayna wax ka gaadheen sanka iyo sujuuda dhexdooda wax wayna ma ahan
Mahad catoosh wuxuu uga waramay wariyaha ONA xaalada Maxamed Maxamuud Gaaciye kuna magacdheer {Gacamay & Gaaciye} oo rasaastu ka haleeshay koodka bidix waxayna jabisay lafta koodka waxaana weli la hubin aragtida isha siduu wax u gaadhay.

wuxuu Mahad Catoosh intaas ku daray police kii gurmadka kuyimid goobtii dhibku kadhacay in ay xabsiga u taxaabeen laba wiil oo u timid in ay dukaanka baylah tiraan. Xasan Cabdi Aabi {Xasan Yare} iyo Cabdifataax {Goobo} oo hadda lagu hayo xabsiga. police ku waxay wiilasha ku xidheen in ay haystaan qoryo sharci darro ah kuwaas oo ay isku difaacayeen.

sida badan marka dhibku dhaco police ku waxay baadhitaan u gaystaan dukaamada iyagoo raadinaya Qoryo. Walaw aan la sheegin wax qori ah oo ay heleen Hadana lama garanayo sababta Looxidhay wiilasha

Xaalad aamaanka ayaa xumaata xiliyada bisha 12aad (December) waana xiliga Christmax-ka waxayna raadinayaan in ay helaan lagac ay ku damaashadaan ciida masiixiga iyo sanadka cusubba.

Gumaysidiid
ONA/K.Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay