Maanta oo ay taariikhdu kubeegnayd 13/12/13 waxaa xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab kadhacay munaasabad diini ah oo ay soo agaasimeen ururka culimo owdiinka Ogadenia ee kudhaqan dhadhaab. Ururka culima-owdiinka Ogadenia ee kahowlgala deegaanka Dhadhaan ayaa qabta kulamo diini ah oo aad ufarabada kuwaas oo ay bulshada ku xasuusiyaan cabsida Allaah iyo waajibaadka saaran dadka ree ogadenia ee qoxootiga ku ah wadama shisheeye iyo kaalinta kaga aadan waxkaqabadka dhulkii hooyo ee Ogadenia oo uu gumaysi madow hantiyay.

Kulankan culimada oo ay muhiimadiisu ahayd khatinka qur’aanka kariimka ah oo la dhameeyay iyo Alla bari ku wajahan wadanka Ogadenia iyo shacabka dulman ee ree ogadenia ayaa furmay abaare 8:00 subaxnimo waxaana shirka furay gudoomiyaha faraca muftaaxulxoriyo sh C/raxmaan oo xubin firfircoon ka ah ururka culimada iyadoo lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacda diini ah oo uusoo jeediyay gudoomiyaha ururka culimada xerada Ifo sh Xassan Raage. Ka din wxaa la gudagalay ajandihii kulanka oo ahaa in la khatimo qur’aanka kariimka ah oo goobta lagu akhriyay guud ahaan 30-ka jus ee uu qur’aanku ka koobanyahay iyadoo la raaciyay ducooyin loo ducaynayay guud ahaan shacabka iyo wadankii hooyo ee Ogadenia.

Culimada xeryaha Dhadhaab ayaa waxay adeegsadaan hubka ugu qaalisan uguna culus ee laysku adeegsado oo ah qur’aanka kariimka ah oo ay caadaysteen in ay bil kasta akhriyaan.

Wadani
ONA/Ifo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay