HORDHAC.

Wax kasta oo uu aadamuhu samaynayo wuxuu leeyahay ujeedo isaga gaar u ah waxaase ka wayne qadarta Ilaahay. ALLE waxaa loo nisbeeyaa {tiiriyaa} wixii khayr ah wax kasta oo aan khayr ahayna waxaa loo nisbeeyaa {tiiriyaa} shaydaan. Aadamuhu marka sida uu rabo ay noqon waydo waxaa ku dhaca hami iyo qaduuc. Dadaal dheer oo ay gashay TPLF iyo mashruuc lagu bixiyay naf iyo maal oo dhawaan laga fuliyay wadanka ogaadeeniya ayaa manta qoomamo iyo uur ku taalo ku noqday qoomiyada Tigree.

UJEEDADII LAGA LAHAA SHIRKII JIGJIGA LAKEENAY DHAWAAN.

Sidii aan ku faah faahinay qormasii hore ujeedada lagalahaa in xiligan wadanka ogaadeeniya lakeeno shir noocan ah waxay ahayd

1- Indhaha caalamaka in lakhaldo loona tuso dhulkani in uu kamid yahay meelaha laga maamulo waxa loogu yeedho Ethiopia waxaana  markhaati ah laga soo bilaabo 1991 xiligii kala guurkii ilaa iyo hada 2013 ka waa mudo 22 sano ah waa markii koobaad oo lagu arko mashruuc lagu magacaabay heer fadaraal. Ogaadeeniya waa goob dagaal waxaana labilaabay xabadan maanta socoto ee ONLLF iyo ciidamada gumaysiga Itobiya si rasmi ah 20/04/1994 kadib markii loo adkaysan waayay gacandhaafkii iyo ugaadhsigii TIGREEGU ka bilaabeen wadanka Ogaadeeniya.

Xiligii ladhisay dawladii kumeel gaadhka ahayd ee uu madaxa ka ahaa Kaligii Taliye Melese Zinawi. Waxaa ogaadeeniya ka bilawday loolan siyaasadeed(political challenge) oo awood leh wuxuuna isku badalay dagaal gacan kahadal ah. TPLF marna fursad uma aysan helin in ay wadanka ogaadeeniya si rasmi ah u maamusho, ilaa hadana wadanku waa Furin dagaal (military zoon). TPLF waxay maamuli jirtay xeryo ciidan oo kuyaala goobo layaqaano (military camps).

1- Ujeedada in shir noocan ah lakeeno wadanka dhexdiixa wuxuu ahaa in dadka loo tuso in Ogadenya tahay meel ay ka taliso Ethiopia.

2- Qaybta labaad ayaa ahayd in qoomiyadaha dulman lagu abaabulo iyadoo lagu caajis galinayo laguna xalaalaysanayo dhiigooda iyo dhulkoodaba oo la yidhaahdo Soomaalida oo mudo 20 sano ka badan la dagaalamaysay Wayaanaha ayaa quusatay ee idinkoon isdaalinin kaalaya oo Jigjiga soo arka.

3- Qaybta sadexaad ee laga lahaa shirkan ayaa ahayd in dadka Ogaadeeniya la baljiidho hantidooda sida hadaba ka dhacday in kumanaan neef laga qaado oo mashruucan loogu magac daray. Dadkana la tuso sawir been ah in Ethiopia midaysan tahay lagana adkaan Karin

DADKU MAXAY DAREEMAYEEN MUDADII QABAN QAABADA IYO XILIGII UU SOCDAY?

Waxaa kasocday qoomiyadaha kale ee la cabudhiyo abaabul lagu wacyi galinayo oo la leeyahay qoomiyadii Soomaalida oo mudo dagaal kujirtay ayaa maanta Ethiopian noqotay oo lagu qabanayaa shirkii, waana dhul cusub oo Itobiya sharciyaysatay hada kahorna waxaa ka socday dagaal adag, kaalaya imaada oo tusa Itobiya waxay tahay. Qoomiyad walbana koox fanaana ah iyo dad taageersan xizbiga hasoo kaxaysato.

Wadanka Ogaadeeniya waxaa lagu tilmaami karaa mudadii ugu dhibka badnayd ee naf iyo maalba dadka loo gaystay dhibaato aan la tilmaami karin  ganacsatada kunool magaalada Jigjiga ayaa laga joojiyay in ay magaalada gaadiid safari ah soo galiyaan isla markaana waxaa lagu xukumay lacag aad u badan ayadoo magaaladana bandaw lasaaray  markii ay cabasho gudbiyeen si ay isaga bixiyaan lacagtaas in ama bandawga laga daayo ama loo ogalaado badeeco soo gasha wadanka waxaa loogu jawaabay xaalada amaanka ayaa faraha ka baxaysa yayna idin sababsanin!

MAXAA LAGA SOO BANDHIGAY OO DAN U AHAA DADKA IYO DALKA?

Waxaa lasoo bandhigay laba shay oo midna aan wax faa-iido ah gabi ahaanba dadka iyo dadka midna ulahayn;

A- Heeso iyo dhaqamo kala duwan oo qolo walba ay soo bandhigtay sida ay u niikiyaan

B- Amaanta xizbiga EPRDF oo fursad u arkayay in uu ceebta iyo waji gabaxa horyaala u helo cududaar iyo majaro habaabin dareenka dadka loo badalo in ay ku raali noqdaan duliga iyo gacan dhaafka lagu hayo iyo kutumashada xaqooda.

DAREENKI UGU WAYNAA EE LAGA DHAXLAY QOOMIYADAHA KULMINTOODII

a- Dadka siyaasiinta ah ee k aqayb galay shirka ama indhaha ku hayay waxaa u muuqday magaca Ethiopia in uu kulmiyo dad aan isku dhaqan.diin iyo aftoona ahayn isku hayntooda iyo cabudhiskuna uu yahay mid gardaro ah

b- Tabar xumaanta TPLF iyo meesha ay nafkadayayso in manta dadka laga raadiyo kalsooni luntay 1994 tii xiligii ay cadaysteen in ay ka talaabsadeen nadaamkii nabad kuwada noolaanshaha oo manta ay qoomamoonayaa waxa ay ka baqayaana uu yahay oo kali ah aaro goosi.

MAXAA GUUL AH OO LAGA GAADHAY SHIRKII?

TPLF oo shirkan jigjiga u keentay cadaadiskii kaga imaanayay qoomiyadaha kadib markii lagu eedeeyay in ay qoomiyada soomaalida wadahadal lagalayaa iyagoo indhaha ka lalinaya xuquuqdii kuwa kale lahaayeen dhaqaalihiina loo adeegsaday dagaal kadhan ah dhamaanba shucuubaga ayaanta qaaday dareekii mid ka sii fog waxaana TPLF lahor dhigay su-aal jawaab loo la,yahay!

Shirka markii uu socday waxaa magaalada jigjiga lagu siyaadiyay 10.000 kun oo ciidan ah waxaana sii joogay gaasas iyo kuwo mudo lagu uruurinayay oo looyaqaano hawaarin {liyuu police}  sidoo kale waxaa la hawl galiyay dhamaan shaqaalihii deegaanka waxaa la isticmaalay lacag aad u badan waxaa manta muran ka taagan yahay maxaa keenay hadii deegaanku horumaray oo nabadi ka ada dhigtay in malaayiin lacag ah oo mashaariic kale lagu qaban laha aloo isticmaalo amaanka shirka? TPLF wax jawaab ah uma hayso waxana cadaatay in abaabulki hore uu been iyo bara bagadho ahaa

Waxaan xasuustay gabaygii Qamaan Bulxan Alaha Unaxariistee Amiin

  • JEENIGA GIF SIIYOO MINDIDU QABATAY GAAREEYE
  • ADIGUNA DAGII BAATAHOO WAYS GUNAANADI E

Manta miyayna TPLF gacanteeda isku qawricin.

Kadaawo internetka siyaasiyiin ka qayb galay shirka oo layaqaano kana hadlaya riwaayadii jigjiga iyo hantidii lagu tuntay iyo in dagaalka ogaadeeniya kajir auusan ahayn mid sacabada lagu qarin karo.

Shirku wuxuu ahaa gunaanadkii TPLF  xamgee manta loodoono wax dadka lagu maaweeliyo?

By Gumaysidiid.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay