Figure 1 Cawraddii Ina Iley Jigjigga keeney. waxay tani ku tuseysa sida loo kala duwan yahay een xidhiidh uga dhaxaynin labada shcab

Ninbaa bari hal aad u uleeyey, markaysay cabaaday oo carartey oo iscuntey oo weliba xanuunkii shuban iyo kaadi isku dartey markaas buu yidhi “Saalo saalaysay oo saalo niriglaysay walee sidaas baanan kaaga hadhin”.

Maanta halku dhigani wuxuu ku sifaysan yahay gacayarayaasha Jigjigga wakiilka uga ah woyaanaha  ee dabaqoodhi Ina iley horjoogaha u yahay.  ONLFna gumeysiga iyo inta raranaha u ah gamuunka mariidka leh  ka dayn weydey, iyana galgalashada iyo hadba geedo jiidhka dayn waaye.

Qorshoyaashii generaalada woyaanuhu Ina Iley u jeexeen oo dhan ayaan runtii odhan karaa dhamaan waxay noqdeen kuwo guuldaro ku dhamaaday tabkasata oo loo adeegsadayba. Iyadoo taasi jirto ayaan hadana askarta ogadeniya ka talisaa aanay marna ka rajo dhigin inay ujeedadooda meel mariyaan inkasta ha ku  qaadatee. Taas waxaa markhaati u ah marxaladahii dhulka Ogadeniya soo maray mudooyinkii ugu dambeeyey iyo riwaayadahii taliska woyaanuhu jilayey ee wajiyada badnaa. Sida laga warqabo qorshayaashan ama riwaayadahan ayaa markasta loo isticmaali jirey Ina Iley oo ah “dubaha” dadka shacabka ah lagu qaraaco sida musbaarka iyo kuwa aan isaga dhaamin ee caqliga ka aradan.

Ogow: inaan Ina Iley fikir ka yimid ama qorshe isaga ka soo fuley aan  Ogadeniya weligeed lagu maamulin hase yeeshee waxaa dhacda in marka amar la siiyo uu sidey tahay iyo si ka sii badan u fuliyo si uu u raali galiyo kuwa uu ka hoos shaqeeyo ee gacanyaraha ka dhigtey. Hadaba waxay ahaayeen riwaayadihii ina iley loo soo dhiibay  ee fashilmay iyo weliba kuwa maanta ay Jigjigga ka dhigayaan.

Shacabka Ogadeniya waxay soo mareen xili la yidhaahdo:

Qabiilkasta degaankiisa ha ilaaliyo taas oo socon weydey.

Dhalinyaro soo uruuriya qoryahoodana ha soo qaateen aan rasaas siinee si ay nabad diidka ula dagaalamaan iyana guuldaro ayaa ka raacdey.

Qabalee samaysta qabandi baa laydin siine taasna ceebay kala kulmeen, kacdoonkii halgankuna ku yaraan waa.

Waxaa la soo gaadhay xili ay ONLF noqotey qorax soo baxday sacab laguma qarin karo oo ay maxaysatada godka ugu gashay bakhtigoodana bahalada u loogtey. Ka dib waxaa afka furtey Zenawigii bakhtiyey isagoo ku dhaartey inuu ONLF ciidan ahaa, siyaasad ahaa iyo dhaqaale ahaanba ula degaalami doono. Taasina waa tii keentey inuu ciidan dhan 60-70,000 kun u soo diro Ogadeniya isagoo bixiyey hal hayskii ahaa  “Geedaha Ogadeniya ONLF ha laga shanleeyo”. Mudo yar ka dib waa kuwii bilaabey riwaayaddii ahayd ONLF waan dhamayney. 600 lix boqol bay ahaayeen oo 20 baa ka hadhay xuduuda Somalida ka sii gudbaysa. Tana waan ognahay meeshay ku dambeysay. ONLF waan dhamaynay waxaa hadana ku xigey ONLF horumarka ayey hortaagan tahay. Naf baastii waxay dhaxalsiisay gumeysiga inuu dhowrkii saacadoodba boqolaal hadal oo iswada qilaafsan ku hadlo halka dhanka kale boqolaal ficil oon midna laga fiirsan ku dhaqaaqaan.

Ka dib markii xoogii guul dhalin waayey, jilib culustii Tigreeguna lugta la baxday, generaaladdii gumeysigu waxay gacanyarayaashooddii ku amreen inay ciidan degaan soo qoraan, taasina waa sababta keentey in la sameeyo ciidamadan loo yaqaano “Hawaarinta” oo ah dhalinyaro maskaxda laga soo qaalday oo intooda badan geel jire ahaa iyo kuwii darbiyada koolada ama xabagta ku cabi jirey.

Woyaanuhu way ogaayeen inaan hawaarintu gulufka ONLF joojin Karin waxna ka baddaleynin halganka gobonimo doon ee ka socda Ogadeniya. Way aaminsanaayeen in hawshay ciidamadooddii gaar ahaa qaban waayeen inaan maleeshiyo qasab lagu soo uruuriyey qaban Karin balse ujeedadooddu waxay ahayd inay xabada ONLF kaga nastaan.  Balse markii xabaddii JWXO yaraan weydey, taliskii Tigreegana xoog iyo xoolaba ka dhamaadeen hase yeeshee xal u heliwaayeen kacdoon gudaha Ogadeniya ka socday ayaa waxay bilaabeen inay riwaayad kale oo riqiis ah jilaan. Riwaayaddii la magac baxday riwaayaddii qurbajoogta ee heesaheedu ahaayeen, boosbaa lagu dhisi, beerbaa lagu siin, biyo xidheenka beeso ku darso, beeshiina soo xaree iyo baayac mushtar baa lagaa dhigi, ka dibna waatii dibadaha loo beec geeyey. Xanuunkii gumaca JWXO wuxuu danabsaaq ku ridey dabaqoodhiggii Jigjigga iyo mastaradooddii, waxayna gaadheen heer ay siddii wax waalan kolba meel u didaan.  Isla markiiba waxay bilaabeen inay xalka mashaakilka Ogadeniya meel khalad ah ka raadiyaan waayo halkii shacabka iyo jabhada ONLF wax la weydiin lahaa ayey intey diyaarado fuuleen Yurub iyo America u yaaceen oo indho sarcaad iyo horumarna ka sheekeeyaan. In yar ka diba filimkii qurbajoogtu waa kii gubtey ee Ina Ileyna boosask iyo beerihii bixin waayey qurbajoogtiina nabad galyadii keeni wayday. Dabaqoodhiga Jigjigga markii hore wuxuu rumaysnaa in qurbajoogtu wax badan ku soo kordhin doonto oo halganka dibada ka socda curyaamin doonaan, taasise ma suurto galin waayo qurbajoogtii Ina Iley dibadaha uga sacab tumayey ma ahayn kuwo halganka wax u tara ama wax yeeli kara. Sida dabaqoodhi ina Ileyba qirey waxay ahaayeen afku xooglayaan hunguri doon ah oo hadafkooda dhan ahaa qado iyo qaad iyo koox fursada ka faa’iidaystay oo ticket bilaash ah qaatey si ay eheladooda u soo booqdaan.

Kaararkii kale ee gumeysigu ciyaarey ee uu rabay inuu shacabka ku jaah wareeriyo hase ahaatee fashilmay waxaa ka mid ahaa nabad ku sheegii laga galay “Ajjo gudhay, kooxdii qawleysatada ahayd ee shaadhka wadaadada xidhnaa ee Ibraahim dheere watey” iyo kooxdii isku magacowday golahii sare ee ONLF. Labadan filim oo ahaa kuwii loogu buunbuunin badnaa iyagana “ay” baa ku kaajay mana jiro qof maanta sheegi kara meeshay ku dambeeyeen. Midkasta markii la arkay inaanu halganka shacabku wado joojin Karin wax sumcad ahna dadka ku dhex lahayn ayaa hogaanka laga furtey. Waxaa iyaduna midho dhali weydey filimkii ku salaysnaa dilka, kufsiga, dhaca, cuno qabateynta iyo xidhayga taas oo ay ula dan lahaayeen inay shacabka ku cabsi galiyaan si ay taageerada ONLF u joojiyaan balse shacabku adkaysi iyo geesinimo ayey ka qaadeen. Waxaan isna faa’iido keenin TVgii beenta iyo barabagaandhada loo samystey ee hadh iyo habeen biyaha burqanaya, beeraha cagaarka ah iyo laamiyada waaweyn een Ogadeniya laga helin dadka laga tusaaley. Cidkale iska dhaafe xitaa waxay beenta TVgu ka gadmi weydey kuwii soo daynayey ama soo duubayey waayo sheekooyinka ay meesha ka soo daayaan oo dhami waa sheekooyin bilaa milix ah oo aan cilmiyeysnayn mida kale beeni run ma noqon karto, qofnana sheeko uu ogyahay inay been tahay sinaba uma qaadan karo.

Isku soo wada duuboo dhamaan qorshayaashii la rabey in halganka lagu waxyeeleeyo midna kama fulin. Weeraraddii JWXO ee cadowga lagu naafeynayeyna wax ku kordha mooyee waxba iska dhinmin. Hadaba gumeysiga Itoobiya oo ah mid ma quuste ah ayaa markuu qorshe ku hungoobaba mid kale alifa una dhiiba dhidid dhowrka gumaadka shacabka loo tababaray ee Jigjigga uga adeega.

Figure 2 mid ka mid ah dadkii Ina Iley Jigjigga keeney

Hadaba maanta naflacaarinimaddii waxay gumeysiga tustey inay keenaan qorshe kale oo dadka maskaxda lagaga xadayo mudana la rabo in  lagu sii jeediyo.  Riwaayada maantu waa shirka shucuubta Itoobiya waxay ugu yeedheen kaas oo Jigjigga lagu qasbay inay qabtaan. Gacanyare ina iley ayaa lagu amrey inuu macsuumo dadka shirka la rabo inay yimaadaan laakiin isna ma odhan sideen u qabanaa iyo ma qaban karnaa ee wuu iska horbooday ileen waa sawire. Jigjigga oon hoteelo fiican lahayn, oon musqulo lahayn, oon biyo lahayn, oon jidad fiican lahayn, oon meel raashin laga cuno lahayn ayaa dadka magaalada degan dad aan ka yareyn la soo dul dhoobay. Taasi waxay shacabka masaakiinta ah ku noqotey culeys aaney raali ka ahayn. Ina iley wuxuu naf ka dayey aqaladdii dadka reer guuraaga ahi galayeen taas oo uu xoog kaga soo uruursadey.

Qorshaha shirkani ma ahayn mid maskax caafimaad qabta ka yimid ee wuxuu ahaa mid ka yimid maskax cabsi iyo argagax hadheeyey waayo Jigjigga ma ahayn meeshi hawshan lagu qaban lahaa dhowr sababood dartood:

Shacabka Ogadeniya isuma aqoonsana Itoobiyaan. Weligood Itoobiyaan may sheegan sababtoo ah wax ay wadaagaan ma jiro. Marka kuwa maanta Itoobiyaanimada kuu qasbayaa waa kuwo riyoonaya. Shirku meeshiisii kama dhicin

Kuwan Itoobiyaan sheeganaya ee gobolada kale laga keeney ma aaminsana in Somalida Ogadeniya ay Itoobiyaan yihiin laakiin waxay qabaan inay Soomaali dhulka soo degtey yihiin. Iyaguna meel khalad ah ayey yimaadeen.

Shacabka Ogadeniya waa dad muslin ah marka ma ahayn in cawro socota loo keeno. Caruurtii sastey ayaa weli ooyeysa. Sidaa darted in dadkan la keeno ma ahayn. Runtii dhaqan xumo aad iyo aad u weyn bay tani dadka ku abuureysaa waayo caruurta yar yari markey arkaan dadkan qaaqaawan waxay u qaadan in qaawanidu caadi tahay ama inay dadkan isku mid yihiin. Nacalad badan baa ina iley iyo kuwo la halmaala ku dhacday.

Degaanku ma qaadan karo dad tiradaa leh.

Nasiiba daro waxan oo dhami uma muuqan kuwii shirkan abaabulayey waayo marka hore caqli ay ku fahmaan ma lahayn, mida kale qorshan waxa watey generaalada ka taliya Ogadeniya kuwaas oo rabay inay  ka dhigtaan kabuubyo ay isku ilowsiiyaan kaarka iyo xanuunka xabada JWXO ku hayso. Hase yeeshee waxana ogayn in ONLF joogi doonto haddii ay shir qabtaan iyo haddii ay dhulka galgashaanba. Xoolo la burburi, shacab la dhib, la daal, shir la qabay balse weli xal lama helin. Dagaalka ONLF wuu socon shacabka Somalida Ogadeniya daali mayo marka barina bakhti fuuladu maxay keeni. Waa “Saalo saalaysay walee sidaas baan la idinkaga hadhin”

Ali Yare

Dammam, Saudi Arabia

 

 
 

1 Comment

  1. garaad says:

    asc.qoraaga afkaaga caano lagu qabay danbigaagana alle ha dhaafo.runtaad taabatay .waxana xaqiiqa inaan la hor istaagi.karin rabitaanka umada.kolba riwaayad halatimado tplf iyo comdomkeeda umafa u isticmaasho free the occupied ogaden

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay