Xuskii ama xafladii ama shirkii ama Hidar8 midkaad ku sheegtaba ee dhawaantan lagu soo gabagabeeyay Jigjiga ayaa laga qoray waxyaaba badan. Ama ha ahaadeen shabakadaha Taageera halganka gobanimadoon ee shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ama ha ahaadeen kuwa Afka Somlaiga ku hadla iyo qaar kaleba. Dad goob jog ka ahaa isu imaatinkaa qawmiyadaha iyo dad qalin maal ah oo aad ula socday arimaha ka socda Itobiya ayaa intaba wax ka qoray.

Arimaha isweydiinta mudan waxay ahayd maxay tahay ujeedado ay ka lahayed Itobiya iyo ujeedada ay ka lahaayeen jenenada xukuma Ogadenya iyo kuwa ay ku adeegtaan inay ku qabtaan shirka qawmiyadaha magaalada Jigjiga oo sida uu sheegay masuulkii ka socday EPRDF/OPDO ahayd meel aanay sugnayn nabadgalyadeeda isla markaana dadkii shacabka ahaa ee martida loo ahaa ay muuqatay in dhib farabadan uu ka soo gaadhay oo aanay ku faraxsanayn qabashada shirkan.

Waxyaaba badan ayaa ka soo baxay Jigjiga oo saamayn ku yeelan doona gabi ahaan gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Qarinimadii Somaliya oo warbixinadeena dambe aan ku soo qaadan doonaa.

Hadda waxaad halkan ka akhrisaa adigoo riixaya labadaa maqaal ee kala ah:

1-  Saalo Saalaysay Walee Sidaas baan Lagaaga Hadhin” By Ali Yare

2- Shirkii Jigjiga iyo saamaynta shucuubaha ay gumaysato qoomiyada tirade yaree Tigree – by Gumaysidiid

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay