Waxaa kulan iskugu yimid Maamulka iyo Hawl-wadeenka Jaaliyada Somalida Ogaadenya ee Magaalada Frankfurt ee Dalka Germany.

 

Shirkaasoo ay kasoo wada qaybgaleen Ururka Dhalinta iyo Ardayda Ogaadenya ee OYSU & Maamulka Jaaliyada S. Ogaadenya, Shirkan oo loogu gogal xaadhay shirkii sanadlaha ahaa ee ay jaaliyadu qaban jirtay sanad walba kaasoo lagaadhay xiligii laqaban lahaa. Waxaana lago,aamiyay in laqabto 4/1/2014 haduu eebuhu yiraahdo.

 

Shirkan loosii gogol xaadhayo ayaa ah mid ay kasoo qayb gali doonaa marti sharaf kala duwan sida Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Qawmiyadaha kudhaqan Geeska Africa sida Oromada iyo Eriteriya.

Kulankan  ayaa diirada lagu saari doonaa waxqabadka Jaaliyada iyo kaalinteey kaga jirto waxqabadka iyo hawlaha halganka ee ladoonayo in lagaga xoreeyo ciida Ogadenia Gumaysiga Woyaanaha kunaaxay dhiiga shacabka S.Ogadenia een waxba galabsanin.

 

 

 

Bahda ONA waxay idin lawadaagi doonaa warbixino kusaabsan shirkan sanadlaha ah ee Jaaliyada Germany ay usii gogol xaadhayso markuu qabsooma haduu eebuhu yiraahdo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay