Maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa & hawl-wadeenada Faracyada Jaaliyada ee gobolada Dalka ayaa kulan ku yeeshay khadka war is gaadhsiinta ee Skype-ka ,Kulankan ayaa lagaga hadlay waxqabadka Jaaliyada iyo sidii loo sii xoojin lahaa,isla markaana xasuuqa, Kufsiga, jidh-dilka & midab kala sooca uu gumaysiga Itoobiya u gaysto dadka rayidka ah ,loogu bandhigi lahaa hay,adaha ay khuseyso ee Dalka Koonfur Africa iyo caalamkaba.

Sanadkii 2012 ayay Jaaliyadu Dacwad ka kooban 700 oo Page ku oogtay 17 qof oo kamid ah madaxda gumaysiga Itoobiya & dadka u shaqeeya inay masuul ka yihiin danbiyada laga gaysanayo Ogadeniya. Dacwadaas ayaa lagu codsanayay in Dadka Dambiyadaas gaystay lahorkeeno maxkamada caalamiga ah ee ICC. Waxaa kiiskaas sitoosa u aqbalay isla markaana loo gudbiyay maxkamada Sare ee South Africa iyo danbi baadhayaal caalami ah,Hoos ka Daawo.

Jaaliyada Ogadeniya & Ururka dhalinyarada Ogadeniya OYSU ee dalka Koonfur Africa ayaa xidhiidh wanaagsan la wadaaga hay’adaha Dawliga ah & kuwa maxaliga ah ee Dalka Koonfur Africa ka hawlgala isla markaana lagu martiqaadaa golayaasha siyaasada.

Xayi Yare
Port Elizabeth
South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay