Laba Prof. oo Jaamacadaha Mareykanka wax ka dhiga ayaa qoray maqaal ay kaga xogwaramayaan xasuuqii soo qabsaday shacabka Oromada qarnigii 18aad. Waxay cinwaan uga dhigeen maqaalkooda :

Oromada iyo Dagaalka Argagixiska ah ee ka socda Geeska AfrikaThe Oromo and the War on Terror in the Horn of Africa

ka dibna waxay cinwaan hoosaad uga sii dhigeen

Oromada iyo shucuubta kale ee aad loo soo dhibaateeyay ma doonayaan Xoriyade waxay doonayaan in loola dhaqmo sidii muwaadiniin ka mid ah dawladda –  The Oromo and other long-suffering communities do not want independence but to be treated as citizens of the state.

Maqaalkan ku soo baxay shabakadda Al-Jazeera qaybta Ingriiska ayaa aad uga faalooday dhibaatada la soo mariyay shacabka Oromada intii u dhexeysay 1868 ilaa 1900 iyagoo sheegay in la dilay 5 milyan oo qof oo dhiganta kala badh shacabkii Oromada ee waagaa noolaa. Waxay sheegeen labadan Profesoor inay Itobiya adeegsatay asluub aad u naxariisdaran markii la laynayay dadkaa gaar ahaan qabiilka Arsi ee daga gobolka Bali. Waxay tusaale ahaan u soo qaateen inay Jenanadii Minilk dhalinyarada intay ka gooyn gacanta midigta ah ay luqunta ugu xidhi jireen, gabdhahana intay naasaha ka jaraan ay luqunta uga lalmin jireen.

Waxay sheegeen in kumanaan Amxaara ah oo loo yaqaano Naftanya oo macnaheedu yahay kuwii qoryaha sitay la soo dajiyay dhulkii Oromada. Amxaaradii la soo dajiyay waxay kala wareegeen Oromadii dhulkii beeraha. Waxaa kaloo dhacday in laga badalay tuulooyinkii magacyadii Oromada oo loo bixiyay magacyo Amxari ah, sidoo kale afkay ku hadlayeen iyo dhaqankoodiiba waa la mamnuucay.

Arimaha kalee ay tusalaha u soo qaateen waxaa ka mid ahaa Boqor Xayle Salasse markuu xukunka qabsaday 1930 inuu dhulkii Oromada ku wareejiyay shirkada waaweyn oo ajnabi ah, iyadoo laga eryay dadkii daganaa. Waxaa Oromada loo bixiyay Galla oo macnaheedu yahay Dibadjooge “outsiders’.

Maqaalkan taariikhiga ah wuxuu aad ugu dheeraanayaa in xukuumadihii iska badalayay Itobiya ee Boqoradii, xukuumadii shuuciga ahayd ee Mingisto ilaa midda hadda ka talisa ay intaba gaboodfalo u gaysteen shacabka Oromada kana midaysan yihiin xasuuqa shucuubta ladariska ah iyo dhul boobka.

Markay ka hadlayeen xukuumadda TPLF oo siday sheegeen ah Masiixi isku haysta inay ka soo farcameen Aksum ayay sheegeen in aanay waxba ka badalin dhaqankii noocaa ahaa ee Oromada lagu laynayay. Waxay tusaale u soo qaateen  intii u dhexeysay 1992 ilaa 1994 inay 50,000 oo lagu tuhunsanaa inay raacsan yihiin OLF la’siugu keenay xeryo halkaasoo ugu yaraan 3000 ay halkii ku dhinteen. Ilaa 2001dii waxaa laga dilay Oromada ugu yaraan 50,000 oo qof, ugu yaraan 16,000na dib looma arkin, waxayna ku maqan yihiin dilalka qarsoon. Waxaa kaloo ay sheegeen in dagaalkii dhex maray Itobiya iyo ertreeya 1998-2000 Oromada ai qasab ah loo qafaalay oo goobta dagaalka lagu shubay halkaasoo ay ahaayeen inta ugu badan ciidankii Itobiya ee ka dagaal galay kuna baaba’ay dagaalkaa.

Maqaalkan taariikhda aan la dafiri karin ka xogwaramaya waxaa tusaale ahaan loogu soo qaadan karaa siyaabaha ay u dhaqmaan qawmiyadaha buuralayda dagta ee Amxaarada iyo Tigreega oo ku dhisan laynta iyo barakicinta shucuubta, taasoo hadafkooda uu yahay inay dhulka qaataan dadkana ka madhiyaan. Waqtiwalbana waxaa jiray qaar u dhashay Oromada oo la socday ayna ku adeeganayeen ugu dambayntana ay dilayeen.

Waa taariikh u baahan inlagu cibrad qaato, lagana fiijignaado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay