Marka hore aan u mahad celiyo Allaah SW oo  adoomihiisa galad aan la soo koobi karin ku mannaystay  marwalbana mudan in laga mahad sheegto laguna shukriyo, marka xiga aan nabdaadiyo ama salaamo guud ahaan umaad Soomaaliyeed  gaar ahaan inta dareen wadaaga ila ah oo shacabka Ogaadeenya ee halgamaaga ah ay ugu horeeyaan.

Waxay ilatahay in uusan ruuxna garan waayaynin waxa ay qormadani ka turjumayso kolba hadaan xusay shacabka Ogaadeenya iyo  halgankoodana waxaa halkaas laga  garanayaa in aan ahay shaqsi ujeedo fog leh.

Aan u daadago qormada iyo nuxurka xikmada Cinwaanka oo ah eray aan soo xigtay maskaxdaydana marwalba ka shanqadha, siideedaba Soomaalidu waxay wax ku cabirtaa ama tusaale u soo qaadataa dhacdooyin, xikmado, maahmaahyo iyo qaybo badan oo suuganta ka mid ah oo dhamaantood shayga markaas laga hadlayo sees looga dhigo.

Erayga Taas unbaan kaa kari la’ahay waa eray muujinaya shay labada qof ee wada hadlayay ay isla qireen in uusan wanaagsanayn wuxuuna gunaanad u ahaa sheeko dhex martay 2ba nin oo saaxiibo  mudo ahaa aniga laftaydana aanu xiliyo asxaab ahayn, 2 nin oo aan nolol kaga warqabo islamarkaasna aan u badinayo in uu qoraalkani gaadhi doono ayay sheeko dhex martay waxaana sheekadaas aniga  ila wadaagay 2da nin midkood.

Sida uu ninkaasu ii sheegay waxay isku qabteen arrin ay mudo isku aragti ka ahaayeen balse goor dhexe ay ku kala duwanaadeen. 2da nin midkood ayaa badalay shaygaas fikirkii uu horay uga aaminsanaa balse mudo kooban kadib ayuu ogaaday in uu jid khaldan qaaday.

Mudo kadib ninkii 2aad ayaa arrintii ay saaxiibkii ku kala fikrad duwanaadeen isna badalay wuxuuna qaaday wadadii saaxiibkii ee qodxaha badnayd, ninkii markii hore wadadaas ku khasaaray ayaa damcay in uu saaxiibkii u digo una sheego  meesha uu u ambabaxay in uusan mahadin doonin.

Ninkii waayo arkay wuxuu saaxiibkii waano uga dhigay war ninyoho talo iga qaado oo meeshaas ka jog, hasa ahaatee ninkii la waaninayay ayaa soo booday oo yidhi waryaa ma anaad I waaninaysaa adoo waxaan ogaa sameeyay oo hawshii aynu mudada dheer soo wada tircinaynay meeshaan ogaa kaga dhaqaaqay .. hadaad ogatay waxa ku sugaya ma aadan i waaniiseene maxkamada adiga ku sugaysa  ayaad ka walwali lahayd.

Ninkii horay u khaldamy ee saxiibkiisa ka daba khaldamay waani is yidhi waa loo goodiyay waxaana loo sheegay in uusan warba haynin. Arrini kolkay halkaas maraysay ayuu ninkii la soo booday eraygan; walaaloow ma wax xun ayaan sameeyay, haa ayuu kii kale ugu jawaab celiyay hadaba taas unbaan ka kari la’ahay ayuu yidhi.

Ma hubo in uu ninkii la waaninayay hadalkaas ku qancay balse waxaan ka qaadanaynaa kolka uu ruux arrin  wajaho in uu waayo aragnimo ka dhaxlayo islamarkaasna uu halgan u galo in uu cidkasta uga digo kharataha uu soo jiidhay. Waxaa xiiso gooni ah leh eraygan ii siiyay wuxuu muujinayaa 2 ruux oo ay dan adagi ka dhaxayso balse waayuhu ay marar kala kaxaynayaan si kastoo ay wax u dhacaana isku dan ah.

Gogol dhiga iyo sharaxaada Cinwaanka qormadayda hadaan halkaas ku joojino nuxurkana aan u daadagno waxaa Ogaadeenya ka socad halgan soo jireen ah oo u dhexeeya gumaysiga Itoobiya ee macangaga ah iyo shacabak Ogaadeenya ee gumaysi diidka ah gobaminadana wax walba u huraya. Shacbka Ogaadeenya iyo halganka ay ku jiraan waxaa ku xeeran duruufo aad u faro badan oo saamayn balaadhan ku leh.

Waxyaabaha shaacbak Ogaadeenya ee halagmaaga ah aad u saameeyay waxaa ka mid ah burburka dawladii dhexe ee Soomaaliya ku yimid, in kasta oo ay shacabka Ogaadeenya waligood halgan adag gumaysiga Abasiiniya  kula soo jireen hadana halgankaasu wuu dabo dheeraaday sidoo kale dhawrkii sanoba mar ayuu daciifi jiray.

Laga soo bilaabo dhalashadii ama aas-aaskii ONLF shacabak Ogaadeenya wuxuu wajahay halgan dhamays tiran oo taageero mooyee wax kale aan u baahnayn wuxuu kolba marxalad qalafsan soo maraba waxaa la soo gaadhay xili ay barbar dhac noqdaan ONLF oo aan cid bani aadam ahi u mano sheeganaynin iyo Itoobiya oo dalalka Geeska Afrika in ay ugu kurkur roontahay isu aragta isla markaasna caalamka taageerobadan ka hesha.

Mudo hadii uu halganka Ogaadeenya siisocady waxaa lagu sii durkay dhinaca guusha iyo xaqiiqada waxaana cadaatay waxay ay Itoobiya tahay iyo waxa lamoodayo kala duwanaanshahooda, waxaa wiiqmay qabkii beenta ahaa ee gumaysiga Itoobiya uu kolba qar iskaga tuuri jiray balse arrinta layaabka leh waxay noqotay umadii Soomaaliyeed ee xorta ahayd ayaa u baratamaysa u dhawaansahaha gumaysiga sababta ay sidaasi u dhacayso aragtidaan ka qabo qormooyin kale ayaan kaga hadli doona haduu rabbi idmo.

Akhristoow ujeedadii aan u cinwaanka  sare u soo qaatay eegga ayay inala gudboontahaye Magaalada Jigjiga todoibaadkii hore lagu qabtay shir loogu yeedhayay xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya waxaana ka qayb galay madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed waxaana daafaha caalmka ka daawanayay guuda haan shacabka Soomaaliyeed oo badankood aan Itoobiya waxay tahay si dhab ah u aqoonin waxaana si aad ah loola yaabay farqiga weyn ee u dhexeeya dadyawga Itoobiyaanka lagu tilmaamay iyo shacabka Ogaadenya.

Shirka oo magaciisu ahaa xuska qoomiyadaha waxaa lagu soo bandhigay waxyaalo badan oo muujinaya dhaqamada,luuqadaha iyo wax kasta oo nolosha dadkaas laxidhiidha, dadka Itoobiyaanka la yidhaahdo waxay Jigjiga u soo safriyeen dadkooda kuwii ka dhex muuqday iyo dhaqankoodii oo ay intii haljileedka ahayd ka soo meehaaheen.

Dadka Soomaaliyeed oo saan sheegay  Itoobiya askari tuute qaba uun u yaqaanay waxay layaabeen foolxumada dhaqanka, labiska iyo muuqaalka dadyawga la sheegay in ay matalayeen qoomiyadaha Itoobiya.Dad badan oo bulshadaSoomalaiyeed qaybaheeda kala duwan ah ayaa Jigjiga u tagay shirkaas daawashadiisa qaar badana waxay kala socdeen shaashadaha la iska arko waxayna aad ula yaabeeen Itoobiyadu nooca ay tahay iyo sidii ay u malayn jireen.

Haddaba Soomaaliyeey muqaalka dadka Itoobiyaanka lagu sheegayo wa kaas aynu Jigjiga ku aragnay oo waxba aysan ka damabynin cuntada ugu wanaagsan ee Itoobiya laga cuno-na waa canjeero maalinta laqaso oo aan la dubin oo aad loo qamiiriyay waxaana canjeeradaas lagu cunaa basbaas aad u kulul oo laab-jeex iyo gaastari (Gastaric) laga qaado dhaqan ahaan iyo diintana aad ayaynu ugu kala duwanahay waxaa intaas dheer wali wexeenii un bay inagula murmaysaaye wax aynu wada lahayn isku mahaysano taas unbaanan kaa kari la’ahay oo loo kaladhuumanayaa.
La socoqaybaha dambe

W/Q  Roda Ibrahim (Afjano)
Masnna@yahoo.com

 

 
 

2 Comments

  1. WiilJWXO says:

    Maa shaa allaah!
    Guul iyo Gobanimo.
    Siyaasiyiinta Soomaalida, Ilaahay ha soo hadeeyo, intii hidaayo loo qoray.

  2. waayeel says:

    Salaamulahi Caleykum Bahda qorahay ee maqaalkan soo gudbisey waxaa iyana mahad iska leh maxkaxdii isku duba riddey. waa sidaad sheegtaye kobtaa uunbaa somalidii manta laga kari la’yahey waana xumaanta dhexdooda ah darted. dad aan adiga aheyna Roodoy ma haystaan.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay