Nin Oromo ah oo ka soo baxsaday Xabsiga Maekelawi
Sida aan lasocono waxaa sixad dhafa u soo gadhaya wadamada dariska la ah Itobiya baxsadka maxaabista iyo goosadka sarakiisha iyo ciidanka samalaludka ah ee gumaysiga. Waxan kula kulmay xerada qaxotiga kakuma nin kazoo baxsaday jeelka wayne ee Makalawi oo ku yaala Adisabba.
Ninkan oo codsaday inaan magacisa la shaacin ayaan warsaday mar uu hortaagna xafiska UNHCR oon waydiyay 1:Goorta iyo Goobta lagaqabtay?
Wuxuuna ku jawaabay; Waxaa layga qabtay magalada Adisabba gudaheeda anoo wakhti subaxa gurigayga joga, waxayna askartii si naxarisdara ah iigu jidhdilen caruurtaydii iyo walidkay hortiisa ka dibna intay indhaha iga xidheen ayay gaadhi igu tureen. Waxaana laygeeyay jeelka loo yaqaano Makalawi sanadii 2007ka ama minillium kii Itobiya.
Waxaan weydiiyay; Maxaa lagugu xidhay ood samaysay, maxaadse la kulantay? Wuxuu ku jawaabay; Runtii magarankaro waxaan galay laakiin, waxaan ogahay in dawladu dadka siiba qawmiyada Oromada oon ka dhashay xabsiyada laga buuxiyo waxyar kahor maalmaha Itobiya xusto sida Hidhar, Gimboot iyo kuwa kalee lamid ka ah. Ana waxaan lakulmay xuska minilliumkii ayadoo dad badan oon ka mid ahaa lagu eedeyo waxay ababulayeen rabshado iyo in ay ururka O.L.F. La shaqeyaan. Waxaan lakulmay jidhdil ba’an sida barkad biyo baraf oo anoo qawan laygu dhex ridayo habeenki kalbadna laygagaqabto xininyaha iyo kuwa kale oo daran.
Waxaan weydiiyay oo kale; Wax maxkamad mala kulantay intad xidhnayd? Wuxuu ku jawaabay; 4ar bilood iyo17ban bari oo ciqabta aduun laymariyay kadib ayaa aroor gadhi laygu geeyay meel aan kamid ahayn maxkamadihi magalada een aqaanay, waaxana laii sheegay in aan qirtay OLF oo waxay imaqashiyen qof ooyaya oo haa haa waan kamid ahaa leh waxaana laygu yidhi waa codkaagii. Intaa kadib waxaa laygu xukumay 24sano oon gaanax lahayn. G
Goormad soo baxsatay sideedse ku soo baxsatay? Saxiib caawimaad Alle iyo dadalkay ah ayaan ku soo baxsaday 29kii Nov 2013ka hadana waxaa iisurtagashay in aan kenya ku soo qaxo
Moh’ed A/wali
ONA KAKUMA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.