Maalinimadii Jimcaha  oo ay taariikhdu kubeegnayd ,20/12/2013 ka waxay ahayd maalin aan horay u soomarin Qoxootiga S.Ogadenia ee kunool dalka Yemen, gaar ahaan caasimadiisa Sana’a. Waxay ahayd  maalin xamaasad iyo walwal badnayd oo qof waliba islahaa toloow madhabaa  in lays dooranayo oo aydadku galayaan safaf dhaadheer. Abooyinoow nabadgaliyo maku dhacaysaa  doorashadu eleen waligeen maynaan arag doorasho wax la yidhaahdee. Cajab dadkan  Aad moodo inay Ogadenia oo xora joogaan miyay is ogyihiin meesha ay joogaan. Erayadaasi waa ku wii aydadku isla dhexmarayeen.

Aroortii hore ee jimcaha waxaa saacadu markay ahayd 9:oo subax nimo ee Bariga Dhexe loo dareeray codbixinta doorashada gudiga qoxootiga S.Ogadenia ee dalkaYemen, iyadoo lagu codaynayay xarunta Soomalida Ogadenya ee Sana’a.  waaxaa  goobta soo xaadiray Hay’ada UNHCR Madaxdeeda ugu saraysa dalkaYemen  iyo Hay’ada IDR, oo iyadu ahayd Hay’ada qaadatay fulinta mashruuca doorashooyinka loo qabtay qoxootiyada ku nool dalkaYemenoo ah Hay’ad dawli ah aadna ugu firfircoon hawlaha qoxootiga. Waxaa  kaloo hawsha  goobjoog ka ahaa  DawladaYemenwasaaradaheeda kala duwan.Wasaarada Arimaha  Dibada, mida Gudaha laamaha Amniga, Haya’adaha Xuquuqul Insaanka, Qaybta jinsiyadaha iyo socdaalka .

Hadaba  doorashada Gudiga Qaxootiyada S.Ogadenina lagu doortay ayaa  ka duwanaa noocyada kale ee doorashooyinka qoxootigu uga dheceen Sana’a, taasoo ahayd in latartansiiyo laba musharax oo kaliya oo midkiiba wato Gudigiisii lashaqayn lahaa haduu codka ku guulaysto. Arintan oo ay dawlada Yemen iyo Hay’aduhuba aad iyo aad ugu bogaadiyeen bulshada Ogadenia oo muujiyay bisayl siyaasadeed oo ka duwan doorashooyinkii kale ee dalka loogu qabtay qoxootiyada Somaliyeed oo lagu saleeyay Nidaam beeleed (qabiil) 4.5 iyo wax la mid ah.  Waxaa kaloo loo hambalyeeyay Gudigii  hore ee hawsha soo wadi jiray iyo gudigii Odayaasha ee loo xilsaaray soo agaasimida doorashada Biladna lagu siiyay.

Ugu dambaytii waxaaa guul ku soo dhamaatay  doorashadii oo ay kow tahay Gudi Qoxooti oo ay si rasmiya u aqoonsato dawladii Yemen. Waxaana la odhan karaa  waa guul usoo hoyatay umda dulman ee inbadan raadinaysa xaqeeda.

Rudhe/yemen Sana’a

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay