Ummad kasta Allaah waxbuu ku salidaa, sidoo kale waxaa uu Allaah bulshoooyinka qaarkood solonsiiyaa maslaxada noloshooda. Laga soo bilaabo intii magaca Soomaaligu uu saxarku ku duulay ee jinsiga soomaaliga la shaasheeyay, intii soomaalida ay ku bateen dantii mooge, duunyo doon, dulmane, dumiye iyo Danayste aan cidkale u diirnaxayn, Waxaa ku soo badan hayay soomaalida dhexdeeda shaqsiyaad danno siyaasadeed leh, sida kaliya ee ay ku gaadhi karaana ay tahay in ay Qabiil dabada la galaan maadaama quluubta soomaaliyeed lagu beeray in qabiilku yahay midka kaliya ee ay xuquuqdooda ku heli karaan. Sidii loogu laqmayn hayay eraygaasna maanta la soo gaadhay heer Sheekh-yada markii ay wacdiga Masaajidda ka jeedinayaan, hadii Sheekhu sifiican oo aqoon ku jirto dadka u waaniyo uuna ku wacyi galiyo Diinka oo ay dhagaystayaashu u qushuucaan tabinta toolmoon ee sheekha, waxa ugu horeeya ee la is waydiiyaa uu yahay War Sheekhu Wa’ayo? ayna laba laba afka isu saaraan dhagaystayaashu si ay u ogaadaan Qabiilka, qoyska iyo jinfada uu kasoo jeedo Sheekhu. Isla marka la ogaado ayaa waxaa dhacda in kuwo ay u jixiyaan kuwana ay dhahaan waa siyaasi wacdigana waxuu ku kacsan Awrkiisa, sidoo kale waxuu ugu hiilin qabiilkiisa.

Geesta kale shaqsiyaadka kooban ee wali ku dhex hafan haya badweynta wadani darrada, xumaanta, iyo qoys darajayntu buux dhaafisay ee ay wali quluubtooda ku jirto wanaag iyo wadaniyad, ayaa waxay ku canbaaroobeen oo lagu ceebeeyay xumaanta ay uga digayaan dadka.  Waxaana lagu duraa kuwan in ay shaqsiyaadka xumaanta, burburinta iyo gumaysi raaca ku caanbaxay ee ay wax ka sheegayaan ayna u jeedin ee ay u socdaan qabiilkooda iyo magaaladooda. Dadka xanuunka ku dhaca waxaa ka mid ah shakiga, mala awaalka, xasadka,xasaradda, iska naca, fogaynta, xinka, afmiinshaarnimada iyo kuwo kale oo ka wada xun oo maanta noqday wadiiqada kaliya ee mansab lagaga raadiyo bulshada soomaaliyeed. Iyadoo la iska ilaaway in kor loo fikiro, sidoo kale la eego cadawga dulaanka ku ah isirka soomaaliyeed & waliba in tooshka lagu ifiyo kuwa la jaalka ah & kuwa mansabka ku raadin cadawga soomaaliyeed bulshada xagal daacinaya.

Duufaanka soo kacay hadaan Laga digtoonaanin 

daafucul balaaya ah hadii Loo dag dagi waayo

dal kaloo la aadaba hadaan keena laga doolin,

Abwaan soomaaliyeed oo aana magacaiisa xusuusan ayaa gabaygiisa oo uu igu dul akhriyay nin aan saaxiibo nahay wakhti hadda muddo laga joogo waxaa ka mid ahaa tixahaas hogo tusaalaynta miidhan ah  uuga digayo gumaysi raaca bulshada, waa tixo cibro qaadasho inoogu filan.

Bulsho kasta waxay leedahay taariikh, sidoo kale waxay leedahay afkaar mustaqbal iyo yool aan laga leexin karin, nasiib darro soomaali shiishka ayaa ka lumay, waxaana qoyskasta lagu xidhay gumaysiga iyo cadawga soomaaliyeed iyaga oo loo sheegi in ay dawlad ku yahiin Gumaysiga Itobiya iyo kuwa la midka ah, hadii ayna dawlada Itobiya ku tiirsanaana ay dawlad qoyseedkaasi burburayso ayna u jabayaan cadawgooda ( kaasi oo ah qoysaska kale ee soomaaliyeed).

Iyadoo aana halkan ku lafa guri karin kala fogaanshaha Itobiya iyo Soomaali, heerka cadawtinimadooda & sida ay isugu dabargo’een Jiilal hore oo dunida maanta aan joogin ayaa hadana waxaa maanta laga bixin Itobiya sawir ayna lahayn iyo saaxiibtimo aan lilaahi ahayn oo aan laabta jirin oo lagu sheegayo in ay Itobiya u hayso umada Soomaala. Bulsho kasta waxaa indho & dhago u ah dadka hogaanka  u haya & saxaafada, Labaduba sabankan waxay soomaali dhexdeeda ka noqdeen kuwo aan wanaag u horseedayn dadkooda una gacan galinaya gumaysiga, iyagoo ujeedkoodu uuna ahayn in ay bulshada garaadkeeda hagaasiyaan ee ay Qadanaha la gashay Mansab iyo Maal raadin. Dadkii noolaa wakhtigii magaca soomaaliga uu ahaa mid meeqaan sare leh, sidoo kale usoo joogay markii taariikhda wanaagsani ay qormaysay, waxay moogan ku yahiin gayiga soomaaliyeed Gabaabsi.

Waxaana hadda ku soo hadhay dhulka jiilkii/Facaadii dhashay/dhalatay intii Saban xumaadka lagu jiray, maadaama oo ay burburtay meel loogu hagaagana ayna jirin taariikh toolmoon oo Soomaala oo qoran maanta, uuna Qoyskasta isagu qortay Taariikhda Abwaanadiisa, Fanaaniintiisa, Halgamaayaashiisa, Salaadiintiisa iyo Waliba Sheekhyadiisa, waxaa murgay maskaxda da’yarta. Midan waxaa ka sii jaha xun, iyada oo aan cidi dhagaysan hayn waayeelkii iyo waxgaradkii u soo joogay taariikhda ee bulshda dhexdeeda baaqiga ku ah, oo bulshadii Qoys Qoys loo dawladeeyay, isla markaana qoyskasta nin taariikhda, midnimada, soomaalinimada & gobanimadu cadawgiisa yahiin uu hogaanka u qabtay. Waxaa dhici karta in sooyaalkii soomaaliyeed la marin habaabiyo, sidoo kale jaha cusub iyo jawi cusub ay gasho. Midaas oo si dadban ugu gacan galin karta isirka soomaaliga ah gumaysiga Itobiya. Meesha loola cararo xaajo kasta oo ka dhex dhalata soomaali wakhtigan waa Itobiya, masuulka la eryo waxaa lagu cabsiiyaa hadaad dawlada dhaleecayso Itobiya ayaanu kuu sheegi, sidaas ayaadna siyaasada kaga bixi, Midka lasoo magacaabi waxaa lagu wacdiyaa dano ayaynu leenahay, waxaana ka mid ah Itobiya waa inaad u hogaansanto, Midka maamul Goboleed isu magacaabi waxuu sheegaa inuu Itobiya ogolaansho kasoo qaatay, uuna usha ka soo qaatay/dhabarka kasoo taabatay. Meesha ugu danbaysa ee la isula noqdo ee lagu wada go’ waxay noqotay Itobiya.

Markaad dhagaysato, akhrido Qoraalada siyaasiyiinta iyo  Qorayaasha Soomaalidu maanta kaga hadlayaan arinta Federal-ka waxay intooda badan isku raacayaan in Federal-ka maanta ay soomaalidu u baahantahay uu yahaykanItobiya ka jira. Aniga oo aan la yaabay Fikraddan haddana waxaan is waydiiyaa malaha bilowgii hore ee siyaasada maanta lagu hayo Wadanka Soomaaliya waxaaba uu ku jaan go’anyahay tan Itobiya ee way ku hagmi la’dahay?  Waa su’aal markaad si duleed u fiiriso fudud, laakiin markii ay gasho falanqo iyo aqli si cilimi iyo caafimaad ah u fikiraya meel durugsan la gali karta.

Wadanka Itobiya maanta waxuu ku dhisan yahay 4.5, soomaaliyana waxay ku dhisantahay 4.5,  midaas oo mataanaysay siyaasada labada dal. Dalka Itobiya waxaa uu u weheliya 4.5 qori afkii oo lagu horjoogo dadka, su’aasha kasoo dhex baxday ayaa ah soomaalida ma lagu hor joogi karaa qori? Walow isku dayasho ay jirto haddana waxaa qurux badan wax wanaag u keeni dadkaaga iyo dalkaaga inaad ku dayato laakiin amuur isnacayb iyo xumaan uun kugu faafin  sabab loo soo xigto qofkii danayn dalkiisa iyo dadkiisa maankaygakamahelin.

Q2aad la soco waxaad ka akhrin doontaa :  4.5ka Itobiya waa Afar Qawmiyadood + Shan Qawmiyadood oo noqdey 0.5

Xarbi Aden

Xarbi24@yahoo.com.

ONA.

 
 

2 Comments

  1. xasan says:

    Runtii waa qoraal wax ku ool ah, taariikhduna waxay inoo sheektay:

    ” Dabadhilif iyo Dantii mooge, macawis duug ah horraanteed ayuu duugoobaa.”

  2. inaaar says:

    asc wrb. qoraga qoalkan diyariyay maskax iyo muruqa galiyay allah ha ka jazaisiyo .waxaad taba tay boog ay Somali kollba kabsuul dhinac kaga dadinayso in la dhayana an la rabiin ,waxa u maqan umaadan ad moodo in aqligodii la forariyay Allah cwjlah .so kordhi qoralka caynkan oo kale ah badiyana umaadi damiirkii walaga qadaye,waxan Allah wayn ka baryayna inuu Somali isodibo oo ay fahman gumaysiga itopia kali waxuu raba inuu wadanka ay somalidu tagto la wareego halka uGu danbaysa ila geeska kale sa qolaba malinbay u tagi waxan safar uGu baxnay wadankan itiopia ah an saxiibka nahay xishoodkiba kadhamaday islanimadi meeday hadii qolaba qolo iska dhisi wadaniyadi away ,allahu akbaar

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay