Iyadoo aana halkan ku lafa guri karin kala fogaanshaha Itobiya iyo Soomaali, heerka cadawtinimadooda & sida ay isugu dabargo’een Jiilal hore oo dunida maanta aan joogin ayaa hadana waxaa maanta laga bixin Itobiya sawir ayna lahayn iyo saaxiibtimo aan lilaahi ahayn oo aan laabta jirin oo lagu sheegayo in ay Itobiya u hayso umada Soomaala. Bulsho kasta waxaa indho & dhago u ah dadka hogaanka  u haya & saxaafada, Labaduba sabankan waxay soomaali dhexdeeda ka noqdeen kuwo aan wanaag u horseedayn dadkooda una gacan galinaya gumaysiga, iyagoo ujeedkoodu uuna ahayn in ay bulshada garaadkeeda hagaasiyaan ee ay Qadanaha la gashay Mansab iyo Maal raadin. Dadkii noolaa wakhtigii magaca soomaaliga uu ahaa mid meeqaan sare leh, sidoo kale usoo joogay markii taariikhda wanaagsani ay qormaysay, waxay moogan ku yahiin gayiga soomaaliyeed Gabaabsi.

Waxaana hadda ku soo hadhay dhulka jiilkii/Facaadii dhashay/dhalatay intii Saban xumaadka lagu jiray, maadaama oo ay burburtay meel loogu hagaagana ayna jirin taariikh toolmoon oo Soomaala oo qoran maanta, uuna Qoyskasta isagu qortay Taariikhda Abwaanadiisa, Fanaaniintiisa, Halgamaayaashiisa, Salaadiintiisa iyo Waliba Sheekhyadiisa, waxaa murgay maskaxda da’yarta. Midan waxaa ka sii jaha xun, iyada oo aan cidi dhagaysan hayn waayeelkii iyo waxgaradkii u soo joogay taariikhda ee bulshda dhexdeeda baaqiga ku ah, oo bulshadii Qoys Qoys loo dawladeeyay, isla markaana qoyskasta nin taariikhda, midnimada, soomaalinimada & gobanimadu cadawgiisa yahiin uu hogaanka u qabtay. Waxaa dhici karta in sooyaalkii soomaaliyeed la marin habaabiyo, sidoo kale jaha cusub iyo jawi cusub ay gasho. Midaas oo si dadban ugu gacan galin karta isirka soomaaliga ah gumaysiga Itobiya. Meesha loola cararo xaajo kasta oo ka dhex dhalata soomaali wakhtigan waa Itobiya, masuulka la eryo waxaa lagu cabsiiyaa hadaad dawlada dhaleecayso Itobiya ayaanu kuu sheegi, sidaas ayaadna siyaasada kaga bixi, Midka lasoo magacaabi waxaa lagu wacdiyaa dano ayaynu leenahay, waxaana ka mid ah Itobiya waa inaad u hogaansanto, Midka maamul Goboleed isu magacaabi waxuu sheegaa inuu Itobiya ogolaansho kasoo qaatay, uuna usha ka soo qaatay/dhabarka kasoo taabatay. Meesha ugu danbaysa ee la isula noqdo ee lagu wada go’ waxay noqotay Itobiya.  Maqaalka oo dhamaystiran:

Halkan Guji.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. xasan says:

    Runtii waa qoraal wax ku ool ah, taariikhduna waxay inoo sheektay:

    ” Dabadhilif iyo Dantii mooge, macawis duug ah horraanteed ayay duugoobaan.”

    Soomaali ha isdaba qabato inta ay goori goor tahay.

    FG: Kan danbaa sax ah. intan danbana ka gooya fadlan.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay