Meeshu waxay ahayd Frankfurt, ee dalka Germany(Jarmalka). Waxaa kusoo qulqulaya dhalinyaro badan. Waxaa loo balansanyahay Kalfadhiigii labaad ee ururka OYSU. Aniga oo ka mid ah dadwaynaha siyaalaha kala jaadka ah loogu martiqaaday shirka markii aan soo gaadhay Boosteejada ugu wayn ee Frankfurt, iskuna xidha gaadiidka kala duwan ee u kala goosha wadanka jarmarmalka iyo Europe-ta kale, waxaan ugu imid dhalinyaro koox ah oo nagu sugaysay goobtaas si ay noogu soo dhaweeyaan, ayna noo geeyaan Hoteelka uu shirku ka socon doono maalmaha soo socda.

Dhalinyarada baabuurtooda waxaa ku sharaxan calanka Jabhada wadaniga xoraynta ogadeenya (JWXO) iyo calaamadaha Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeenya(OYSU). Sidoo kale waxay xidhanyahiin oo qofkasta si aan xaabsaarayn uga muuqda astaamaha iyo halku dhigyada JWXO iyo ururka OYSU. Waxaa la nagu qaaday baabuur, iyadoo lana geeyay goobtii hawsha shirku ka socotay oo dhalinyaradu ay camireen. Waxaa loo fadhiyaa koox koox, dadka qaar waa kuwo horay isu yaqaanay, laakiin aan in muddo ah is arag, sidoo kale waxaa ku jira kuwo isku bartay shirarka iyo mudaaharaadka ay qabtaan jaaliyaadku. Aniga waxaan uun ka mid ahaa dadkaas oo koox aan wajiyadooda garan way ku jireen dadka, kooxo kale oo aana horay u arag una maqalna indhahaygu way qaban hayeen. Gacmaha ayaa kugu daalayay salaanta iyo bariidada aad moodo qoysas iyo qaraabo kala baaday. Dhalintu qosolka iyo dhoolacadays ay kalgacal iyo xiiso hadheeyeen ayay isku qaabilayeen.

Sida la isu qalbi booqan waxaad mooddaa in ay caanaha wada dhami jireen dhalintan kala jaadka ah ee ka soo kala socdaashay Wadamada Europe, Americaiyo Australia. Hotelka oo ah mid magaalada dhexdeeda ku yaala waxaa sidoo kale ku sugan ururo u jooga Munaasabado kala ujeedo ah. Shacaarka iyo xiiso xiisaha ka muuqday dhalinta Soomaalida Ogadeenya ayaa cajabgaliyay ururadii kale ee qaybaha kale ee hotelka hawlaha ku haystay,waxayna bilaabeen in ay si koox koox iyo laba laba ah ugu soo durkaan ayna xogwaraystaan meesha ay ka yimaadeen dhalintan iyo sababta ay u joogaan. Waxaan arkayay dhalinta oo luuqado kala duwan kula falgalaya ururadii kale ee joogay meesha. Dadka qaar way garanayeen markii ay dhalintu dhahaan waxaan ka soo jeednaa Ogaden kuwana waxay u baahnaayeen sharaxaad dheeraad ah iyo in loo xarakeeyo. Dhalinyarada waxay isugu jireen wiilal iyo gabdho aqoon durugsan leh oo muddo ku noolaa Wadamada Galbeedka qaarkoodna kuba dhashay.
Markii aan dhawray niyad samaanta gabdhihii goobta joogay ee isugu jiray hooyooyin & hablo u heelan waxkastana u huray, kana dhiidhinaya dhibka haysta kuwii iyaga la dhashay ayaa waxaan xasuustay dhacdooyin aan ka dheegtay dadkii ay la dhasheen iyo in ay jiraan kuwo garab taagan.

Gabdhaha Soomaalida Ogadeenya waxaa lagu midaysan yahay in ay yahiin Udub dhaxaadka isku haya dhigaha halganka ka socda Ogadeenya. La’aantoodna guulo badan oo ay u horseedeen halganka lama hawaysteen. Waxay taariikhda halganka Ogadeenya kaga suntan yahiin meelo gooni ah oo goorteeda iyo goobteeda leh. Geesta kale  Waxay gabdhaha Soomaalida Ogadeenya u muteen halganka ka socda Ogadeenya hayrtaanyo isugu jirta; dil, marjin, kufsi, dhac, jidhdil, ceebayn, dhaawac, xidhay, rafaad, argagax, barakicin iyo waxii la mid ah. Kuwo ka mid ah waxaa lagu hor dilay walaalkood, ninkooda, hooyadood ama aabahood, iyadoo magaalooyinka indhahooda oo shan ah meel masrax ah lagu jiiday maydka walaalkeed ama ninkeeda iyadoo la leeyahay ” Yaa garan?” qofkii dhaha anaa garana lagu dili kobtaas. Gabdha badan oo aana hadda qoraalkan ku soo koobi karin waxay ka carareen dhulkooda, iyaga oo goor aan habeen iyo maalin ahayn ka huleelay hoygoodii iyo hantidoodii, iyagoo maciin bidaya dal iyo dad ayna garan hayn, meel nabad ah si ay u tagaan.

Qaar badan oo ka mid ah waxay ku dhinteen saxaraha & Badaha kuwo badana waxay ku jiraan xabsiyo aan lahayn cid u dooda iyo cid u dacwoota. Kaltuun oo magaceeda oo sadexan ka gaabsatay in aan xuso waxay iigu warantay mar aan kula kulmay dalka Belgium-ka sida tan;  “Wax laga sheekayn karo ma ah aduunka waxii aan mushkilad iyo khatar soo dhex mushaaxay, hadaan kaaga sheekeeyana waad yaq yaqsan. Waxaa la igu xidhay magaalada Jigjiga aniga iyo walaalkay oo safar u nimid. 2ba sano ka dib ayaa la i sii daayay, hadana waa la isoo qabtay 3 bilood kadib 9 bilood markii aan xidhnaa ayaa la isii daayay. Waxaan ogaa in aan la iga hadhayn, iyadoo ay isoo gaadheen dhaawacyo jidheed iyo kuwo maskaxeed. Waxaan ka baxsaday wadanka aniga oo sii raacay  gabadh kale. Habeen iyo maalin dhan ayaan lugayn haynay dhul miyi ah oo wax dhaqaaqaya oo ku nool aadan arkayn. Waxaan u talownay dhanka Soomaalia aniga oo beegsan haya magaalada Hargaysa oo gabadh walaashay ah iyo caruurteedu daganaayeen. Magaalada Hargaysa ayaan ku kala xidhiidh furanay gabadhii ila socotay oo u sii wadatay socodkeeda dhanka koonfur ilaaKenya. Markaan 6 bilood joogay Hargaysa wax camal ahna aana ku hayn, aana bukaan socod iska ahay, ayaa waxaan ka warhelay in la qabtay 2 wiil loona dhiibay saaka Ciidanka xabashida ee ku sugan  xuduud Wajaale. Walwal iyo walaac  aan dhamaad lahayn, ciirsi la’ aan xageen cago ku gaadhi? Ma dhulkaan galaa ma cirkaan galaa? waa su’aalaha aan jawaabaha lahayn ee maskaxdayda ku soo dindimayay.”

“Maalintaas oo dhan waxaan ku sugnaa guri gabadh dariska ah oo aan ku dhuumanayay hadii la isoo bartilmaameedsado si aan guriga la iigu  soo galin darteed. Walaashay oo makhribkii ii timid ayaan u diray Faadumo gaabdh la dhaho oo aan isku baranay intaan joogay Hargaysa oo iyana ka mid ah dadkii kasoo fakaday xabsiyada xabashida. Fiidkii intii walaashay ay ku maqnayd gabadha ayaa waxaa gurideeda isweedhka ka qabtay ciidan maamulka Somaliland ah oo baadhid ku sameeyay markii ay iga waayeena ka tagay. Walaashay markii ay guriga kusoo laabtay ayaa saygeeda iyo caruurtii ay uga warameen waxii ka dhacay goobta. Waxayna u soo carartay dhankayga. Iswaraysanay, waxayna ii sheegtay suu wax u dhacay iyo xaalka maanta yaala magaalada iyo sida gurikasta oo dadka ka soo jeeda Ogadeenya lagu tuhmayo loo galayo. Waxay dhahday; “Gabadhii aan aaday iyo dhalinyaro kale waxaa loo qaxiyay guryo kale waxayna maalmahan isku qarin hayaan meelahaas. Xaaladuna aad bay u cakirantahay.”

Murugo iiga daran malahayn in Ethiopia la ii dhiibo  oo waxaan ogaa ciqaabta iyo arxan darrada taalay xabsiyadii aan ku jiray oo ahaa kuwa ugu sahlan meelaha lagu xidho dadka saa waaba meesha la i gayn hadii la’ii dhiibo markan xabashida!. Waa nala jidhdilayay waxaa naloola dhaqmayay siyaalo xun oo qofka aadanaha uuna gayin inuu muto, xoriyad la’aanta xabsiga iyo xanuunka gudihiisa yaala ma ahayn mid qof mar galay uu ag joogi karo. Hadii la i qabto waxaan ogaa in meelaha ugu xun la ii dhaadhicin, waxaana goostay in aan safarkayga sii wato oo Soomaalidii aan maciinka biday hadii ay sidan u dhaqmayaan aan ka sii fogaado oo aan u haajiro wadamo kale. Lacag ma haysan meel aan tago oo ii muuqatana ma jirin waxaan uun iska ahaa qof mushkilad ku habsatay oo iska duuflaalaya. Walaashay mayna raali ka ahayn in aan baxo wakhtigaas, waxayna dooratay in aan iska xero xumaysto aana baxnaanino siduu xaal noqdo. Walaalkayna ilaa hadda waa uu xidhanyahay.

Kaltuun markii ay halkaas marinayo sheekada, ayaa iigu danbaysay dhagaysigeeda waxaana ka gudbay xaaladii caadiga ahayd ee aan ku sugnaa. Mana garanayo meel ay ku dhamaysay iyo waxii dhacay intaas waxii ka danbeeyay, laakiin waxaan ka warhayaa in ay Baddacas doon ku soo jiidhay ayna wadanka Sucuudiga muddo joogtay ka dibna ay gashay wadamada Europe mid ka mid ah oo ay hadda dagantahay.

Dhanka kale  gabdhaha qaar ayaa raacay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya markii ay qabsadeen gafaf kuwan ka durugsan. Waxayna noqdeen kuwo qabta dhamaan hawlaha uu ninka jabhadka ahi qabto; sida dagaalka, caafimaadka, sahanka iwm.  Hawshan Qarfaha la wareegayo ee dagaalada la galayo oo ah mid aad ugu adag qof dumar ah hadana xaalada jirta ayaa gabdhaha Soomaalida Ogadeenya qasab kaga dhigtay in ay hanfiga, milicda, hufadda roobka iyo hawaawiga mugdiga dhex mushaaxaan.

Cibaado Maxamed Tarabbi oo ka mid ah dhibanayaasha duurka galay mar aan kula kulmay dalka Kenya ayaan waydiiyay dhibta jabhadnimada iyo dumarku say u xamileen. Waxay iigu jawaabtay iyada oo kaaximaheeda ilmo soo buuxisay “Kaadi wiil ayaan cabay Asqo darteed, markaan intaas oo maalmood soconay dhul aan biyo lahayn dagaalo waawayna aan galay, laakiin gacantayda ayaan kaga ciil baxayay gumaysiga”. Iyadoo ay jiraan gabdho badan oo ku shihiiday dagaaladii ka dhacay Garbo, Caado iyo meelo kale haddana waxaa geesta kale jiray kuwo dhaawacyo halis ah ay soo gaadheen. Sidoo kale waxaa jira kuwo xanuuno ku yimid darteed u xamili waayay xaalada Jabhadnimada.Geesta kale kuwo badan ayaa wali hawshooda halkii ka sii wata kuna qanacsan N/hurenimada.

Mihiib oo ka mid ah gabdhaha Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya mar shir Bariga Africa lagu qabtay oo aan fadhiyay ay ka hadlaysay jabhadnimada iyo dumarka waxay khudbadeeda ku dartay in markii muddo ayna arag wax biyo ah ayna ku joogeen Hayaan dheer dhul aan biyo lahayn oo loogu galbinayay goob ay ku socdeen ayna ciidanka gumaysiga Ethiopia la galeen dagaalo culus, harraad dartii Guduudane ay xabad ugu dhufteen ka dibna uuskiisa iyo dhiigiisa Cabeen gabdhihii iyo wiilashii la socotay, walow iyada iyo qaar kale nafta siin wayeen in ay cabaan.

Jawiga aan maalintaas ku joogno Frankfurt iyo jawiga ay ku joogaan gabdhahaas goobahaas waa kuwo kala durugsan, haddana waxay aniga iyo intii xog ka haysta xaaladahaas kala jaadka ah u ahayd yididiilo in ay jiraan gabdho garab taagan walalahooda ku jira gacanta gumaysiga, kuwa cabsi darteed ciirsila’a oo nafta la ciiraya, kuwo aan raq iyo ruux meela lagu ogayn iyo kuwa juuqaha ku jira ee ciidanka gumayisga xabadda kala hortagay.

Shirkan waxa uu aad uga jawi duwanaa midkii ka horeeyay oo lagu qabtay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark oo aan isna ka qaybgalay. Shirkaas lagu qabtay dalka Denmark oo ahaa mid juhdi badan la galiyay oo ay jaaliyada wadankaasi hawsha ugu badan qabatay ayaa hadana waxa uu shirkani kaga duwanaa Dhalinta kasoo qaybgashay oo u badnaa kuwii ka qaybgalay shirkaas hore oo hadana isbadal wayn ku yimid dhanka maamulka, urursanaanta, nuurka iyo wadaniyada kasoo ifbaxday ee sidii cadceed subaxeed kasoo dhalaashay.

Xaliimo Cabdi Cabdullaahi (Gobad) waa gabadh ku dhalatay Ogadeenya, gaar ahaan gobolka Nogob. Muddo kusoo jirtay wajiyada hore ee Jaaliyadaha Ogadeenya ee Qaarada Europe ee qadiyada Ogadeenya u taagan. Xaliimo waa Hooyo 3 Caruur ah leh kuna nool duruufaha qalafsan ee haysta soo galootiga ku dhaqan qaaradaEurope. Mar aan wax ka waydiiyay inta ay qurbaha joogtay waxay ii sheegtay in ay Qurbaha soo gashay 1990-kii  intii badnayd nolosheeda qurbaha waxay ku soo qaadatay wadamadaHolland iyoUK. Gobaad waxay ka mid tahay gabdhaha Ogadeenya ee ay ku fogaatay Qadiyada Ogadeenya. Waxayna kasoo muuqatay iyada iyo gabdho badan oo kale saxaafada caalamka iyaga oo wata boodhadh ay ku xardhan yahiin Erayo gumaysiga lidi ku ah oo dhextaagan Baraf iyo qabow daran oo nooluhu u adkaysan karin gabbaad la’aan ku sugnaantiisa. Mar aan kula kulmay Magaalada Brussels ee dalkaBelgium goor hiirtii ahayd oo halkaas ay ku sugayeen mudaaharaad bilaaban hayay wax yar ka kadib, ayaan su’aalay Xaliimo xageed xalay joogteen? waxay Xaliimo iigu jawaabtay “xalay oodhan safar ayaan ku jiray”. Caruurtii maad wadataa ayay ahayd su’aashaydii labaad waxayna iigu jawaabtay “maya waan iskaga imid”. Xaliimo oo lagu naanayso Gobaad waxaan ka dareemayay qof qadiyada Ogadeenya ay qub tidhi oo qiiro badan ka muuqato. Waxay aad ugu qanacsanayd in ay u taagnaato qabow kasta, qoyaankasta iyo duruufo kasta oo ka jira madasha tusida dhibka ka jira Ogadeenya indhaha Caalamka.

Shirkaas Frankfurt ay ku qabteen dhalinta, waxaa sidoo kale joogay Xaliimo (Gobaad) iyo asaxaabteeda oo uga soo socdaalay dalkaUK. Waxaa madasha lagu soo bandhigay Warbixino ka hadlaya dhibka ka jira Ogadeenya & dhalintu waxay hiigsan hayaan. Gabadh yar oo ka timid dalkaDenmarkoo aana magaceeda iyo da’deeda midna xusuusan laakiin 14 jir inay ka yarayd aan hadda umalayn ayaa ka jeedisay madasha hadal kooban oo ay ku cabirayso sida ay uga go’an tahay mustaqbalka in ay dadkeeda ku dhibaataysan Ogadeenya wax ugu qabato. Xaliimo iyo gabdho kale oo badan markii ay dhugteen Erayada gabadha Ilmadii ka dhacaysay indhahooda iyo murugadii ka muuqatay oogadooda waxay ahayd shucuur uuna qof aan joogin goobtaas ka fahmi karayn qoraalkan aniguna aana ku qeexi karaynin ereyo kooban.

Inkasta oo Aadanuhu uuna isku adkaysi & isku shucuur ahayn, haddana Qofna ma qarsan karo murugada ama farxada gudahiisa ka guuxaysa. Laakiin waxaa lagu kala duwan yahay qaarna wajiyadooda ayay ka muuqataa qaarna waxayba ku sigtaan inay xaalad garashadoodu is badasho. Xaliimo markii dhibka dumarka & gafka gumaysigu ku hayo la soo qaado ama laga sheekeeyo waxyaabo wanaagsan oo u qabsoomay halganka Ogadeenya ka socda waxay ahayd mid miyir beesha murugo iyo farxad labadaba. Mar aan la kaftamay iyada oo barxada hoteelka dhalintu ku shaahayaan, ayaa iyada oo Xaliimo daal badani ka muuqdo waxaan idhi maxaad ugu jeceshahay Xaliimo aduunka? waxayna iigu jawaabtay “Aduunka waxaan ugu jeclahay caruurtayda iyo Ogadeenya oo xor noqota”. Xaliimo iyo gabdhaha la midka ah  caruuroodda ay saas u jecelyihiin waxay markasta oo munaasabad jirto kaga maqanyahiin Qadiyada Ogadeenya, Gobaad waxay iskaga daba noq noqotay wadamada USA iyo Europe xaalado la xidhiidha Qadiyada Ogadeenya, wali waa gabdhaha aan la leexin karin ee Qadiyada Ogadeenya sumada u noqday. Su’aalo dhawr ah oo aan waydiiyay Xaliimo jawaabahii ay iga siisay waxaan u arkayay Qof maskaxda ka xoroobay oo ku darsaday qadiyada Ogadeenya nolosheeda. Tani waxay inaga raaridaysaa dhiiranaanta iyo sida ay hooyooyin iyo gabdho badan u garab taagan yahiin gudaha iyo dibada halganka Ogadeenya ka socda, sidoo kale ay ubadkooda ugu barbaarinayaan qadiyada ogadeenya.

Gabdhaha Ogadenya waxaa xusi Taariikhda oo ah mida kaliya ee dadka aduunka ku kala saarta, Taariikhduna waa midan qormaysa hadda mana duugoobi doonto.

Xarbi Aden
xarbi24@yahoo.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay