Waxaa manta lagu qabtay magaalada Pretoria ee Xarunta Dalka Koonfur Africa Iyo magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape Shirar ay isugu yimaadeen Xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee Dalka Koonfur Africa Shirarkan oo ay soo Qaban qaabiyeen Hawl-wadeenada Jaaliyadu ayaa waxaa ka qayb galay xunbnaha Jaaliyada Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Jabhada Onlf Iyo Qaar ka mida Madaxa Sare ee Jahbada ONLF.

Shirkan oo ahaa Shirka Wada Tashiga Iyo Waxqabadka Jaaliyada Ogaadeeniya ayaa waxaa khadka teleefanka kaga qayb qaatay Gudoomiye kuxigeenka Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya ahna gudoomiyaha Hogaanka HAAU ee Jabhadda ONLF Dr Maxamed Ismaaciil Cumar Masuulka ayaa kulanka ka jeediyay khudbad dheer oo meelo badan taabanaysay xaalada Dalka Ogadeniya Iyo Horumarka Halganka ay Jabhada ONLF hogaaminayso halka uu marayo manta.

Shirarkan oo ay ka hadleen Masuuliyiin Farabadan ayaa diirada lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa xaalada adag ee uu Ku nool yahay shacabka Ogadeniya kaasoo ku hoos jira Gumaysiga Madaw ee Itoobiya Iyo in waxqabadka Jaaliyadda la sii Kordhiyo isla markaana la garab istaago Shacabka Somalida Ogadeniya,

Masuuliyiin-tii Shirarka ka hadlay ayaa sheegay inay TPLF Ku Fashilantay Shirkii lagu badtay magaalada Jigjiga ee uu gumaysigu rabay inuu caalamka kaga dhaadhiciyo Ogadeniya Nabadbaa ka jirta halka ay Ogadeniya Tahay Darfur-tii Itoobiya. Waxaa lagaadhay xiligii isbadalka waxaana dhamaaday xiligii beenta ,Kooxaysiga,cabudhinta, Iyo xoog wax ku muquuninta. Sidaas waxaa sheegay xubnihii hadlay

Xubnaha jaaliyada ayaa dhamaantood isku raacay in Halganka Ogaadeeniya uu gaaray Horumar wanaagsan isla markaasna uu sii socon doono illaa inta laga gaadhi doono Hadafka Shacabka Soomaalida Ogadeniya oo ah in aayahooda si xor ah uga tashadaan, islamarkaana ka xoroobaan Gumaysiga Itoobiya ama Si xor ah Aftina laga qaado.

Xayi Yare
South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay