Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaa Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalada cadawga lagaga sifaynayo dalka oo meela kala duwan ka socda. Dagaaladaa oo cadawga lagu jabiyay ayaa ciidamada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay inta la hubsaday ciidan kor u dhaafaya 75 asakari oo darajooyin kala duwan lahaa iyo dhaawaca fara badan. Dagaalada aan helnay faafaahintooda ayaa waxay udhaceen sidan;

16/11/13 Bilcilbuur oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaana ciidamada wayaanaha lagaga dilay 3 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/11/13 Falfal oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/12/13 Dhariqadhmuun oo Dhagaxbuur udhaw waxaaciidanka cadawga lagaga dhaawaxay 1 askari inta lahubo.

17/12/13 Qabricadaad oo Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhaxay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/12/13 Ijoolab oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay,

20/12/13 Cowl iyo Baligalool oo dagmada Garbo kawada tirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare xoogan inta lahubana waxaa laga dhaawacay 1 askari.

21/12/13 Rigaato oo Qabribayax katirsa weerar ay CWXO kuqaadeen kuwa kumaysiga oo halkaas kusugnaa waxaa weerarkaas lagaga dilay 17 askari 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/12/13 Buunbad oo Qabribayax katirsan dagaal aad ubaaxad waynaa oo socday mudo sadex saacadood ah ayaa CWXO iyo kuwa gumaysiga kudhaxmaray waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 21 askari 18 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/12/13 Shiniile oo Dhanaan katirsan iyo Hulguduudo oo Qabridahare katirsan dagaallo kakala dhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/12/13 Higlalay iyo Gobcaayeed oo Dhagaxbuur kawada tirsan dagaallo kakala dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 17 askari 25 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay