Gumaysigga Dhaqaalaha, Dhaqanka , Maskaxda, africa , Latin America ,  Ethiopia Vs Ogadania  – Qaybtii 1aad.

Waxaan maqaalkii hore ee hordhaca ahaa kaga soo hadalnay taariikh nololeedkii Frantz Fanon oo usoo halgamay siduu usoo dhicin lahaa xuquuqda shacabkiisa dulman ee Faransiisku gumaystayFanon muddadaa yar ee uu noolaa wuxuu katagay dhaxal dufankiisu ilaa maanta sii qoyanyahay. Wuxuu dhidibbada u aasay fahanka nafsiyadda gumaystaha iyo lagumaystaha labaduba. Wuxuu ahaa Halgamaa, Dhakhtar, Faylasuuf iyo aqoon yahan hodmiyey fahanka nafsiyadda gumaystaha iyo gumeysi diidka. Dadka madow  Dugsiguu dhigto waxaa looga yaqaanaa waxmatare ama damiin, majiro cid kadhibco hoosaysa marka loo fiiriyo ardayda heerkiisa ah. Caddaanka dugsiga wax kadhigaana waxay ciyaalka cadcad usheegaan in duulka madow loo abuuray ineey iyaga ushaqeeyaan. Bal eega fanon  ayay kuqanciyeen isna sidaas ayuu u qaabilay. Sidaas fudud ee dhibka yar yuu naftiisa kuqanciyay inuu yahay addoon Ilaahay u abuuray inuu caddaanka  ushaqeeyo. Ineey khaladtahay inuu wax barto, wax fahmo ama wax faa,iidaysto. Fanon  waa fanon . Muxuu baran karaa waaba qof madow ah? sidaas dhibka yar yaa loogu jees jeesi jiray.

Way fiicantahay marxaladan adaggee ay kujiraan shacabka reer Aljeeriya , dhibka iyo dulmiga waxaa ka danbeyn nasri , iyo farxad. Waxaanse  kawal bahaarsanahay inn shacabka waqooyigga Africa wali sifiican u fahmin meeshaan ka imaanayo iyo ahmiyadda iggu kaliftay inaan wax barashadii kasoo taggo , isla markaana gudda gallo abaabul iyo kicin shacab sidaas waxaa yidhi Frantz Fanon.

Guryaha iyo nolosha ugu fiican Faransiiska waxaa lagga sameeyay dhaqaalihii shacabka waqooyiga Africa , Position afraad ee la innaga soo galaa waa caalamiyeynta aqoonta iyo warbaahinta. Waxaa jirtey xilli uu gobolka waqooyigga Africa  oo dhami u raxlaynayey inan yar  oo magaceeda layiraahdo Cairat Freixe   Waxay usheegtay ineey dib u eegaan manaahijtooda waxbarashada caruurtiinna buuggan ha u dhigina, kanaa karoon. Maxaa idinka indho saabay aqoonta mustaqbalka, isjacaylka iyo isku soo dhowaanshaha ummadaha  Markeynu siqotodheer leh udhuuxno dardaaranka iyo tilmaanta fanon , waxaa marag ma doonta ah wuxuu ka hadlayo inay maanta taagan yihiin, gaar ahaan shacabka Somaalida Ogadenia.

Gumaysiga dhaqaalaha wuxuu kahalis badanyahay gumaysiga ciidanka.  Xiligii uu maamulka maqaarsaarka ah ee dulmiga kudhisan talada uhayay Khaddar Macalin Cali. Waxaa gobolka shabeele lagga soo dooran jiray nin layiraahdo Cabdi-raaxo , wuxuuna katirsanaa gudiga fulinta xisbiga, ee markaasi taladda gobolka gacanta kuhayay.

Cabdi-raaxo sadex sanno gudahood wuxuu dhacay maaliyadii gobolka shabeele  oo idil, wuxuuna hanti kuyeeshay magaaladda Diri-Dhabe . Wargayska looyaqaano African Intelligent Report oo arimaha Africa wax kaqora waxay soo saareen warbixin sheegaysa inn Xaawo Aadan iyo hogaamiyaha ciidanka Tigreega ee jooga dalka Ogadenia heshiis kuyihiin musuq maasuqa baahsan ee dhaqaalaha shacabka Somalida Ogadenia. Hadii xaalku sidaasi yahay , isla markaana maalin walba aragno maalaayiin dollar oo lagu taageerayo gumeysiga ay hormuudka uyihiin TPLF , soo hubaal ma noqonayso in gumeysigii dhaqaalaha mar labaad dib usoo noqday?

Haduu eebuhu yiraahdo waxaan qormadeena kale diirada ku saaridoonaa shaqsiyaadkii lasoo shaqeeyay gumeysigii Faransiiska, ee Waqooyiga Afrika iyo hantidda dalalkooda ay kasoodheceen , kuna maal gashadeen magaalooyinka dalxiiska caanka ku,ah sida Lyon  iyo Merciless ee dalka Faransiiska. Waxaa lamid noqondoona , dadka aan diirada saari doono éen tooshka ku ifin doono Abdi Ileey  (Cabdi Ubo), Khadar Cabdi Ismaaciil , iyo C/laahi Itoobiya  hantida muuqata eey kuleeyihin gudaha iyo dibadda Ogadenia. sidda shirkadahha waaweyn eey gaarka uleeyihiin, boosaska banaan eey gacantoodda ku sharciyeeysten, kuna qoreen magacyo kalle si shacabka loo marrin habaabiyo iyo waxyaabo kale oo badan.

La soco Qormooyinka xigi doona Insha Allah.

 

Q/ Mujahid Sheekh Ibrahim

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay